|

Dawlada Jarmalkoo Oo Hub Siinaya Xoogaga Kurdishka Ee Dalka Ciraaq

jarmal

Hargeisa 1/9/2014 (SDN/QJ)  Dowladda Jarmalka ayaa hub isugu jira qoryaha fud-fudud iyo lidka diyaaradaha u diraysa xooggaga kurdishka ee dalka Ciraaq, ee dagaalka kula jira dagaalyahanada Islaamiga ah waqooyiga dalkaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga Jarmalka, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in qalabkaasi milateri uu ku filnaan doono afar kun oo askari meesha lagu gaadho dabayaaqada bishani September.

Dhanka kale, xooggag ka kala tirsan ciidamada militariga dalkaasi Ciraaq, maleeshiyaadka shiicada ah iyo dagaalyahanada Kurdishka ayaa gudaha u galay magaalada go’doonsanayd ee Ameril, halkaasi oo dagaalyahanada kooxda Dowladda Islaamiga ah ay muddo laba bilood ah ku hareeraysnaayeen dadka shiicada ah ee laga tirada badan yahay ee Turkimen-ka.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo

kuwa dalkaasi ciraaq ayaa howlgalkaasi cirka ka taageerayay. Mid ka mid ah dadka ka shaqaynayay arrimaha gargaarka ayaa BBC-da u sheegay ay ciidamada dalkaasi Ciraaq, ay horumar ka sameynayeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Islaamiga ah si ay magaaladaasi uga qabsadaan.

Hargeisa SDN/QJ

Maxamed Aadan@Qurbejog.com
Conact@somalidiasporanews.com

Comments are closed