|

Dawlada Jarmalka oo joojineysa taakulo ay siin jirtay xarumaha caafimaad ee Dhadhaab

Nairobi Oct 31,2012(SDN)-Qoraal ay saxaafdu heshay oo ay soo saartay safaarada Jarmalku ku leeyahay Kiinya ayaa ay ku soo baxday in dawlada jarmalku goaansatay in la jaray caawimo ay dawladaasi la garab taagneyd xerada Qaxootiga ee Dhadhaab.

Jarmalka ayaa bixin jiray kharashka ku baxa dhawr goobood oo caafimaad oo ay gacanta ku heyso Haya’da Qaxootiga aduunka oo lagu xanaaneeyo kumanaan Soomaali ah.

Dawlada Jarmalka ayaa deeqihii gacan qabadka ahaa ee ay hore u bixin jirtay waxa ay ka wareejisay hayad dawladeed oo arinkaa u qaabilsaneynd waxaana la hoos geeyay wasaarada arrimaha dibedda.

Qoraalka safaarada ee saxaafadu heshay ayaa lagu sharaxayay khasaaraha ka iman kara kolkaa mashaariicda caafimaad la jaro.

Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibedda ee Jarmalka ayaa sheegay in deeqaha la siiyo Hay;ada qaxootigu aaney sanada 2013da waxba iska bedeli doonin.

Balse Afhayeen UNHCR Stefan Teloeken ayaa xaqiijiyay in dawlada Jarmalku joojineyso gacan qabadka wixii ka danbeeya 2012ka.

Ilaa 600,000 ayaa qaxooti ahaan ugu nool xerada dhadhaab,halkaa oo ay ka helaan quudin,hoy iyo caafimaad beesha caalamku ka faalo qaado.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed