Dawlada Iran iyo Quwadaha Caalamka oo heshiis ka gaaray Barnaamijka nuclearka ee dalkaas
Tehran Jan 13,2014(SDN)-Dawlada Iran ayaa shaacisay in ay dhaqan gelineyso heshiis ay November la gaaratay dalalka Ruushka,China,USA,Britain iyo France oo lagu xakameynayo tayeynta Nuclearka dalkaasi.
Heshiiskan ayaa u saamaxaya Iran in loo fasaxo dhaqaale caalamku ka xanibay isla markaana ka dabcinaya cunaqabateyn mudo saarneed.
Iran ayaa heshiisku dhigayaa in ay xakameyso tayeynta Nuclearka isla markaana ay hay’ada quwada Nuclearka ee Qaramada Midoobey u ogolaaneysa in ay dusha kala socoto barnaamijka iyo xarumaha Nuclearka ee dalkaasi.
Xogtan oo uu shaaciyay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda ee Iran Cabas Araghchi ayaa waxa uu wasiirku sheegay in dalkiisu aanu sameynsan doonin hubka Nuclearka isla markaana uu doonayo uun quwada tamarta Nuclearka.
Cabaas ayaa saxaafda u sheegay in heshiisku u saamaxayo in dalkiisu dib u helo $4.2 billion oo hore reer galbeedku uga xanibeen.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo heshiiskan ka hadlay yayaa sheegay in amniga caalamku haatan dan ugu jirto in xal siyaasadeed laga gaaro Iran.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Iran ay haatan goaansatay in ay ka maagto in ay sameysato hubka Nuclearka.
SDN-Tehran
contact@somalidiasporanews.com