Dawlada Hoose ee degmeda Seylac oo fulisay hawgalo dayactira
Seylac Mar 17,2012(SDN)-Dawlada hoose ee degmada Seylac ee Gobolka Salal ayaa hawlo dayactir ah maalmahii u dambeeyey ka waday meelo ka mid ah jidka isku xidha tuulada Toqoshi iyo Magaalada Seylac.
Dawlada hoose ee Degmadaasi ayaa ku samaysay dayactir qiyaastii hal Kilo meter oo ka mid ah waadadaasi oo guud ahaan cabirkoodu dhan yahay 7 Km.
Subaxnimadan saaka ayaa dawlada Hoose waxa ay Moos ku xidhay cabir dhan 500 talaabo oo biyaha baddu hore uga soo jabeen xeebta dhanka bari ee Magaalada Seylac.
Dawlada hoose waxa ay talaabadan qaaday iyadoo mudooyinkii dambe ay dadweynaha deegaanka cabasho ka muujinayeen biyo badeedkaas magaalada ku soo jabayey, ka dib Dugsiga Sare ee sacaaadadiin Secondery oo magaalada ka baxsan ay adkaatay in ardadu u talaabaan oo ay biyuhu kala dhex galeen dugsiga iyo Magaalada.
Duqa Degmada Seylac maxamed Cumar xaddi (Cawed) oo u waramay Wakaalada wararka ee Solna ayaa sheegay inay ku dhex jiraan hawlo dhinaca horumarinta kaabayaasha nolosha ah sida dayactirka wadooyinka & wax ka qabashada biyaha Badda ee had iyo jeer ka soo fataha dhinaca badda, gaystana khasaare dhaqaale, sidoo kalena yareeya isu socodka dadweynaha deegaanka.
Duqa degmada Seylac waxa uu intaa ku daray in Barnaamijyadan ay hadda gacanta ku hayaan ay qayb ka yihiin taageerooyin ay dawladda deriska ah ee jabuuti u gaysato Somaliland gaar ahaan gobolka Salal.
SDN-Seylac
contact@somalidiasporanews.com