|

Dawlada Hoose ee Caasimada iyo Gudida Horumarinta oo isla qaatay Bilowga Dhismaha Waddada Madaarka iyo Saldhiga dhexe ee Hargaysa isku Xidha

Hargaysa 08.July 2015 (SDN/QJ)- Maamulka dawlada hoose ee caasimada Hargeysa iyo guddida horumarinta caasimada ayaa maanta si wada jira u shaaciyey in dib u dhis balaadhan lagu samayn doono wadada ka timaada garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa iyo wadada dhakhtarka weyn kuwaas oo laga hir gelin doono dib u dhis balaadhan.


SHIRKA DAWLADA HOOSEGuddida horu marinta caasimada Hargeysa iyo maamulka dawlada hoose ee caasimada Hargeysa oo Shalay galab si wada jira shir jaraa,id ugu qabtay xarunta dawlada hoose ee caasimada Hargeysa ayaa waxay ku shaaciyeen dib u dhiska waddadan.

Maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa ahna ku simaha maayarka Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo ugu horayn ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa guddida horu marinta caasimad uga mahad celiyey wax qabadkii hore ee ay muujiyeen isla markaana ka codsaday inay la garab galaan mashruucan dib loogu dhisayo wadadaasi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “waxaanu doonaynaa oo aanu ugu yeedhnay guddida horu marinta caasimada Hargeysa ee waxqabadka ka hir geliyey caasimada, waxaanan ka codsanaynaa oo aanu in badan kala hadalna inay nagala shaqeeyaan hagaajinta wadada weyn ee ka timaada garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa soona gaadha ilaa badhtamaha suuqa caasimada, waxaana ku xigi doono wado weyn oo noqon doonta wadada labaad ee caasimada taas oo dhakhtarka weyn dabadiisa soo mari doonta, horu marka intaas leegina waxa uu u baahan yahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo, miisaaniyada dawlada hoose waanu ku tala galnay, waxna dawlada dhexe ayaanu ka soo qaadaynaa, qaybta sadexaad ee aanu guddida ugu yeedhnay waxa weeyaan in ganacsatada, dhamaan iskaashatooyinka, tijaarta iyo bacadlayaasha in qof kastaaba ka qayb galo, waxaanan balan qaadaynaa inaanu wax badan ka badali doono horu marka caasimada Hargeysa.”

maayarka ku xigeenka ayaa sidoo kale shaaciyey inay wadada ka timaada garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ee ay dayactirka ku samaynayaan ay ka dhigi doonaan afara haad oo ay baabuurti si wada jira u adeegsadaan, isaga oo sidoo kalana sheegay inay dayactir balaadhan ku samayn doonaan wadada hor marta garoonka kubada cagta ee Hareysa Stadium, taas oo iyaduna u baahan in dayactir lagu sameeyo.
Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka guddida horu marinta caasimada Hargeysa Xasan Cabdisalaan oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa shaaca ka qaaday inay la qaateen maamulka dawlada hoose ee caasimada Hargeysa wax kala qabashada mashruuca dib u dhiska wadooyinkaasi “ Maanta waxaynu u wada joognaa inay go,aan ka wada gaadhno wax ka qabadka dhinaca horu marinta caasimada oo aynu hore uga soo wada shaqaynayn, aad ayeynu isku dhaliilnaa gaar ahaana dawlada hoose waynu dhaliilnaa oo aynu ku dhaliilno inay xashiishka inaga hagaajin waayeen ama wadooyinka wax ka qaban waayeen, maanta waa ilaahay mahadi mar haddii ay muhiimada koowaad u arkeen wadooyinka oo ay doonayaan inaanu wax kala qabano, gudi ahaan soo jeedinta golaha deegaanka waanu qaadanaynaa diyaarna waanu u nahay inaanu intii itaalkayaga ah wax ka qabano, wadooyinka oo aynu iska hagaajinana sharaf weyn ayaa ku jirta.” Ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka guddida horu marinta caasimada Hargeysa.

Sidoo kale waxa shirkan jaraa,id ka hadlay xubno ka mid ah guddida horu marinta caasimada Hargeysa iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimada Hargeysa kuwaas oo dhamaantood soo jeediyey in lagu wada dedaalo sidii loo dhamaystiri lahaa dib u dhiska lagu samayno wadooyinkaas.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed