Dawlada hoose ee Caasimada Hargaysa oo Dab qabadsiisay Lix Tan oo ah Sharaab iyo Daawooyin dhacay
Hargaysa 11Jan (SDN)
Maamulka Cusub ee Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargaysa ayaa dab qabadsiiyay Lix Tan oo ah alaab dhacday isla markaana isugu jirtay Timir,Sharaab,Caanaha Caruurta iyo Daawooyin.
Waxaa kale oo halkaasi lagu agab kale oo gaboobay oo laga soo uruuriyay Huteelada iyo Maqaaxiyaaha kala duwan ee ku yaal Caasimada hargaysa.
Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee dawlada hoose ee caasimada hargaysa Khadar Yuusuf Cali oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in golaha deegaanka ee cusub ay xoog u danaynayaan wax kastoo ku lug leh caafimaadka bulshada,waxa uu Mas’uulkani u mahadceliyay Shirkada Safa Group oo dawlada hoose soo gaadhsiisay Laba boqol iyo Shan iyo Konton kartoon oo daawooyin wakhtigoodii dhacay,waxaa kale oo uu agaasimaha arrimaha Bulshada ee Dawlada hoose ku guubaabiyay in Sharaa’iga kalena ay ku daydaan Shirkada Safa Group, isagoo uga digay cidii u hogaansami wayda nidaamkan in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.
Dhinaca kale Duqa Caasimda Hargaysa Eng Yuusuf Warsame Siciid oo uu weheliyo ku xigeenkiisa C.casiis Maxamed Xaashi ayaa kulan la qaatay afarta shirkadood ee Qashinka ka gura Caasimada hargaysa iyo Shanta Gudoomiye ee degmooyinka Caasimada .
Kulankan oo ujeedadiisu ahayd mid isbarasho ayaa lagu falanqeeyay sidii isbedel weyn loogu samayn lahaa bilicda caasimada,taas oo ay ugu weyn tahay sidii meel la isula dhigi lahaa nidaam sahli kara in magaalada laga nadiifiyo wixii bilic daro ku keenaya .
Duqa Caasimada Hargaysa Eng Yuusuf Warsame Siciid oo hadal kooban kulankaasi ka jeediyay ayaa dareensiiyay Shirkadaha ka hawl gala Qashin Ururinta Caasimadu inay la yimaadan qorshe dhamaystiran oo ay ku hawl galaan waxaanu intaas ku daray in kulankani aanu noqon doonin kii u horeeyay balse ay ka dhigi doonaan mid joogto ah si loo kala war qaato.
Hargaysa SDN.