|

“Dawlada Haatan Jirtaa Waxay Urursanaysaa Lacag uun ee dan kama laha Biyo la’aanta Shacbiga” Mustafe Qodax {DHAGAYSO}

Hargaysa 28.Dec 2013 (SDN)- Mustafe Maxamuud Qodax oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ee WADDANI ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xukuumaddu ay sababtay biyo la’aanta ba’an ee soo food-saartay Magaaladda Hargeysa.

mustafe qodax1Mustafe Maxamuud Qodax waxa uu xukuumadda ku eedeeyay inaanay danayn shacbiga biyaha beelay, hase yeeshee ay awooda saarayso oo kaliya urursiga cashuuro xad dhaaf ah oo ay shacbiga ku soo rogtay.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Mustafe Qodax
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MustafeQodax28.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed