|

‘’Dawlada Federaalku Way Ka Go’an Tahay Inay Somaliland Tagto Laakiin Waa Hadii Somaliland laga Helo Hasa Yeeshee Wax kasta Waan Ogol nahay aan ahayn Kala Go’a Somalia Taas Ma Ogolin’’ Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia DAAWO

Oslo 20. June 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay Madaxweyneyaasha Tirada badan ee Somalia inay Qiimo rideen Haybadii Madaxweyne uu lahaa,Waxaa kale oo uu ka Hadlay Wax aka hor taagan inuu Somaliland tago Maadaama Markii aanu Xilka hayn uu Tegi Jiray Somaliland.

Sidoo kale Hooyooyin ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Dalka Norway oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa si qiiro leh uga warramay dhibaatooyin Dawladda Norway ee Degannaanshiyaha siisay ku hayso.

Haweenkan oo qaarkood ay Dawladda Norway ka qaadday Carruurtoodii, isla-markaana u geysay qaarkood Dad isku jinsi ah oo is qaba, si ay u korsadaan, ayaa Dawladda Soomaaliya ka codsaday inay wax ka qabato Arrintaasi.

Haweenkan oo qaarkood Oohin xajinsan waayay, ayaa sheegay in Carruurtoodii Dawladda Norway ka qaadday la baro Diinta Kiristaanka.

Comments are closed