|

Dawlada Federaalka Soomaaliya oo lacagaha Hawada u qeybin doonta maamulada Somaliland ka mid tahay ee Soomaaliya

Nairobi Oct 10,2013(SDN)-Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo hay’ada QM u qaabilsan hawada Soomaaliya ayaa bishii ina dhaafta 30keedii heshiis ku gaaray in dawlada dhexe si rasmi ah loogu wareejiyo maamulka Hawada Soomaaliya.

ICAO ayaa maamulka hawada Soomaaliya oo Somaliland ay ku jirto waxa ay si buuxda ula wareegidoonta bisha kowaad ee sanadka ina haya.

Sidoo kale dawlada Muqdisho ayaa loo fasaxay in ay hantido isla markaana maareyso gebi ahaanba lacago malaayiin ah oo keyd ahaan looga ururiyay Hawada Soomaaliya.

Sida ku xusan qodobka 9aad ee heshiiskuna waxa uu qeexayaa in dawlada federaalku masuul ka noqontoondo qeybinta lacagaha hawada Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhri qodobada uu heshiiskani ka kooban yahay.

doc 1

doc2

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed