|

Dawlada Federaalka Somalia iyo Xukuumada Malta oo ka wada arrinsanaya soo Celinta Cilaaqaadkoodii

New York 28.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo raysul wasaaraha dalka Malta Joseph Muscat ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal iyo sida Malta ay gacan ugu geysan karto dadaallada ay waddo dowladda.

Joseph-Muscat-Somali-deputy-PMWargeyska Times of Malta ayaa qoray in Joseph Muscat uu ka dalbaday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya in la abuuro xiriir iyo iskaashi rasmi ah oo ay yeeshaan laba dal iyo sidii Malta ay safaarad ugu furan laheyd Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in sidoo kale loo baahan yahay iskaashi la xiriira arrimaha qaxootiga Soomaalida ee dalka Malta iyo la dagaalanka argagaixada iyo burcad badeedda.

Raysul wasaaraha Malta ayaa xusay in Soomaaliya ay heyso waddadii nabadda iyo horumarka, islamarkaana loo baahan yahay in la sii xoojiyo dadaallada hadda ee socda.

Labada mas’uul ayaa ku kulmay magaalada New York, halkaasoo uu ka socda shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

New York  SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed