|

Dawlada Federaalka Iyo Amisom Sheegay inay Baadhayaan Kufsi lagu eedeeyay Ciidanka Amisom

Muqdisho 10.Sep 2014 (SDN/QJ)- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Talaadadii shalay walaac ka muujisay eedaha kufsiga ee loo jeediyay ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga.

“Dowladda waxay cambaareyneysaa dhammaan hababka gaboodfallada ka dhanka ah dadka Soomaalida, waxaana ka go’an xaqiijinta in kuwa geysta gaboodfallada ka dhanka ah dadka rayidka ah la hor-geeyo caddaaladda,” raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa war qoraal ah ku yiri.

Hay’adda u doodda xuquuqda bini’aadamka ee Human Rights Watch (HRW) ayaa Isniintii soo saartay warbixin ay ku wareysatay 21 haween iyo gabdho Soomaali ah oo sheegay in lagu kufsaday xarumaha AMISOM ee Muqdisho kaddib markii ay goobahaasi u raadsadeen gargaar daawo iyo raashin.

AMISOM oo ka jawaabeysay eedaha loo jeediyay ayaa sheegtay inay baareyso eedaha, ayna qaadi doonto tallaabooyinka ku habboon.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed