Dawlada Federaalka oo Qaban qaabinaysa Aas Qaran oo Muqdisho loogu samaynayo Marxuun Maxamed Saleebaan Tubeec
Muqdisho 12.March 2014 (SDN)- Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in aas qaran magaalada Muqdisho loogu sameeyo Allaha u raxmadee fannaankii caanka ahaa, Maxamed Suleymaan Tubeec, oo Talaadadii ku geeriyooday dalka Jarmalka.
Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo ku-xigeenkiisa oo la kulmay xubno ka tirsan fannaaniinta hoballada Waaberi ayaa kala hadlay qaban-qaabada aaska Marxuumka, wuxuuna u sheegay in la maamuusayo.
Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in wasaaradda Warfaafiinta ay tacsi u dirasoy dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo ehellada marxuumka.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com