Dawlada Federaalka oo ka Fal Celisay Kufsiyo la Sheegay inay ka Dhaceen Xerada Maslax
Muqdisho 15.Aug 2013 (SDN)- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay fal kufsi ah oo la sheegay in Khamiistii loogu geystay haweeney Soomaali ah xerada milateriga ee Maslax ee duleedka Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ee ku sugan xerada Maslax ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen kufsiga loo geystay haweeneyda Soomaalida.
Isagoo ka hadlayay kulan uu la qaatay xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin xad-gudubyada xuquuqda bini’aadamka, gaar ahaan gabood-fallada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed.
Raysul wasaaraha ayaa billaabay baaritaan lagu sameynayo dhacdadan, wuxuuna xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyn doonto mas’uuliyiin sare oo ka tirsan AMISOM si loo baaro dhacdadan, loona qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee caddaaladda lagu hor geynayo kuwa geystay falkan, lana xaqiijiyo in dambiyada noocan oo kale ah aysan dhicin mar kale.
Raysul wasaaraha ayaa magacaabay koox ka kooban xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada oo ay hoggaamineyso wasiirka adeegga bulshada, Dr. Maryan Qaasim, si ay ugula soo noqoto raysul wasaaraha natiijada baaritaanka billowday.
Muqdisho SDN.