|

Dawlada Federaalka ah oo Cadaysay inay Qaramada Midoobay u Gudbisay Dacwada Soohdinta Bada ee Somalia iyo Kenya

Muqdisho 25.Sep 2014 (SDN/QJ)- Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay muranka dhinaca soohdinta badda ah ee kala dhexeeya dowladda Kenya.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir oo shir jaraa’id  ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qarammada midoobey hor dhigtay dacwo ku saabsan arrinta, ayna rajaynayso inay ku guulaysato.

muranka badaXeer ilaaliyaha guud ayaa tilmaamay in Kenya oo ka faa’iidaysanaysa bur-burkii ka dhacay Soomaaliya ay ku dhiirratay in ay muran galiso lahaanshaha  badda Soomaaliya, hase yeeshee ay ku guul darraysan doonyo.

Tallaabada ay qaadday Kenya ayuu xeer ilaaliyuhu ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa sharciyada badaha ee u degsan Soomaaliya, Kenya iyo qarammada midoobey, Soomaaliyana aysan marnaba ka tanasuli doonin xaqa iyo madaxbannaanida xuduudaheeda badda iyo barriga.

Xeer ilaaliye qaranka Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa intaas ku daray in ergaygii hore ee Qaramada midobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, Axmedu Walad Cabdalla iyo dowladda Norway ay gacan weyn ka gaysteen badbaadinta badda Soomaaliya.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed