Dawlada dhexe oo la wareegtay gacan ku heynta Hiiraan
Baladweyne (QJ) – Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka isku magacaabay “Hiiraan” oo ay ka mid yihiin Cabduqaadir Colow iyo Cabdirashid Ilkacase ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay xarumaha muhiimka ah ee dowladda Hiiraan wakiilo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya. Xarumahan ayaa waxaa ka mid ahaa xafiisyada maamulka gobolka, kan degmada Baledweyne, iyo xerada ciidamada ee Lamagalaay.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu horkacayay Wasiirka Batroolka Daahir Shire Maxamed, Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa ka hadlay mas’uuliyiintii hore ee maamulka Hiiraan State oo ku dheeraaday dadaalkii ay u galeen sidii ay u maamuli lahaayeen xarumahaasi, islamarkaana ay si nabad ah ugu wareejiyeen.
Wasiir Daahir Shire iyo Taliyaha NISA ayaa bulshada reer Hiiraan u xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay ka shaqeyn doonto sidii loo heli lahaa nidaam loo dhan yahay oo cid kasta ay ka faa’ideysan karaan. Waxay ku booriyeen shacabka reer Baledweyne inay gacan ka siiyaan dadaallada dowladda ee ku aaddan xoojinta amniga iyo dowladnimada, waxayna ballan-qaadeen in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono xarumaha si loo horumariyo adeegyada bulshada.
Sidoo kale, ciidamada xoogga dalka ayaa dib u furay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Baledweyne, kuwaasoo u xirmay colaado u dhexeeya maamullada iska soo horjeeda oo ku muransan gacan ku haynta magaalada. Tani waxay astaan u tahay tallaabo loo qaaday soo celinta nidaamka iyo fududaynta horumarka gobolka.