|

Dawlada Denmark oo shaacisay in Muqdisho lagu celin karo Qaxootiga Soomaalida

Copenhagen Feb 12.2013(SDN)-Dawlada dalka Denmark ayaa shaacisay in Qaxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku sugan dib ugu celineyso Magaalada Muqdisho.

Denmark ayaa sheegtay in xaalada amaan ee magaalada Muqdisho ay haatan tahay mid la isku aamini karo.

Hay’ada xuquuql insaanka u dooda ee Dansk Flygtningehjealp ayaa sheegtay in Soomaaliya dadka lagu celiyaa ay tahay qeyrul masuulnimo.

Denmark ayaa goaankeedu yimi ka dib kolkii ay guddi ka kooban Denmark iyo Norway ay wadajir u booqdeen Muqdisho bishii Ockober ee sanadkii hore ka dibna la isla qaatay in qaxootiga Soomaalida ee ku guuldareystay in ay helaan sharciga dalalkaas in Muqdisho lagu celiyo.

“Goaanka ay guddidada xaqiiqo raadinta ee labada dal ee Norway iyo Denmark  ayaa la soo noqday xaqiiqada dhabta ah ee amaanka Muqdisho in ay tahay mid hagaagsan,haatana waxa la dhisay dawlad cusub Soomaali faro badana waxa ay haatan ku noqonayaan Soomaaliya”sidaa waxa yiri Jacob Dam oo ah madaxa soogelootiga ee Udlændingestyrelsen.

Waxase fikraad kaa ka duwan qaba Andreas Kamm oo ah Xoghayaha guud ee Hay’ada Dansk Flygtningehjaelp.

“Sidaanu u aragno waa masuuliyad daro in dadka lagu celiyo Muqdisho,magaalada waxa qasa maliishaad waxeey doonaan yeela,mana jiraan ciidamo amniga suga,dilalka iyo kufsigu sare ayay u kaceen dhawaan” ayuu yiri Andreas Kamm.

Hay’ada Qaramada Midoobey u qabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa iyaduna qabta in Soomaaliya ay weli ka jiraan colaado aan saamexeyn in dadku ay dib u noqdaan.

SDN-Copenhagen
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed