|

Dawlada Britain oo sheegtay in Burcad-badeeda qaar ay dalkaa lagu maxkamadeeyo kuwa kalena la dhigo xabsiyada Soomaalida

Adis Ababa Jan 29,2012(qurbejoog.com)-Wasiirka Britain u qaabisan qaarada Africa oo haatan ku sugan magaalada Adis Ababa ayaa saxaafada u sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in ay maxkamadeeyo burcadamwaxyeeleysa shaqaalaha iyo maraakiibta dalkooda.

Henry Bellingham oo ka qeybgalaya shirka midawga Afica ee ka socda Adis Ababa ayaa arrintan uga waramay saxaafada qorshaha Britain ee ku wejahan burcad badeeda Soomaalida.

Dhawaan ayay aheyd kolkii qaar ka mid ah xildhibaanada Britain markay dalbadeen in xukuumadoodu la timaado qorshe cad oo wax looga qabanayo Burcad badeeda Somaliada.

Britain ayaa qabta in Burcadu caqabad ku tahay maraakiibtooda iyo caymiska,inkasta oo aaney burcad badeedu weli ku guuleysan qabsashada maraakiib Britain laga leeyahay.

“Hadii burcadu ay weerarto maraakiibtayada oo la qabto laguna maxkamadeeyo dalkeena xabsiga ayaa dhigeynaa,hadiise burcad aan na weerarin la qabto waxaanu dooneynaa in dhulka Soomaalida lagu maxkamadeeyo”ayuu yidhi Bellingham

Kiyoo hadalkiisa sii watana waxa uu raaciyay”waana sababtaa ta aanu Somaliland iyo Puntlandba gacan uga siineyno sidii ay xabsiyadooda Burcada ugu xidhi lahaayeen”.

Billingham ayaa soo dhaweeyay in DKMG ahi dhawaan muujisay in ay dooneyso in ay xabsi dhigto burcada lagu helo danbiyada,waxaanu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay gacan ka dhiibtaan hawlgelinta xabsiga Muqdisho.

In ka badan Kun burcad badeed ah ayaa dhawrkii sanadood ee danbeeyay lagu qabtay hawlgalada ciidamada caalemiga ah ee ka hawlgala badaha Soomaalida,balse tiro yar mooyaane intooda badan waa la sii daayay ka dib kolkii la waayay cid dalkooda ku xidha.

Qurbejoog-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed