|

Dawlada Britain oo baareysa in Duqa magaalada Tower Hamlets in uu Soomalaida siiyay mashaariic aaney Gollaha degaanku ansixin

London April 05,2014(SDN)-Dawlada Britain ayaa amar ku bixisay in baaritaan lagu sameeyo lacago uu duqa magaalada Tower Hamlets Lutfur Raxmaan siiyay jaaliyadaha Bangaladesh iyo Soomaali.

Duqa ayaa lagu eedeeyay in uu bixiyay lacago lagu qiyaasay £1.5m to £3.6m oo ay gollaha degaanka magaaladaasi qaadeceen in la bixiyo.

Mayorka Tower Hamlets ayaa eedaa iyo baaritaanadaba ku sheegay qaar salka ku haya midab takoor iyo Islam naceyb haatan Galbeedka ku soo badanaya.

Raxmaan ayaa sheegay in Iddaacada BBC-da oo baahisay in Police-ku baarayo dhacdadan ay baahintoodu ku saleysan tahay naceyb.

BBC-da ayaa sheegtay in barnaamijka ay ku soo bandhigeen baaritaanada ay Police-ku wadaan aaney ku saleysneyn midab takoor.

SDN-London

contact@somalidasporanews.com

Comments are closed