Dawlada Belgium oo si farsameysan dalkeeda ku geysay madaxweynihii hore ee Ximin iyo xeeb iyo madaxii Burcad badeedii Xaradheere ka dibna Xabsiga dhigtay
Brussels Oct 15,2013(SDN)-Dawlada dalka Belgium ayaa si xirfadeysan dalkeeda ku geysay madaxii Burcad-badeeda Xaradheere ee Maxamed Cabdi Xasan oo Afweyne looyaqaano iyo madaxweynihii hore ee maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiiceey ka dibna xabsiga u taxaabtay.
Xeer ilaalinta dalka Belgium-ka ayaa xaqiijiyay in ay dalkooda si xeeledeysan ku geeyeen labaan ruux ka dibna ay ku oogeen denbi burcad badeednimo oo ay sheegeen in lagula kacay markab dalkaasi laga leeyahay.
Xeer ilaaliye ka tirsan dawlada dhexe ee dalka Belgium ayaa sheegay in Booliska dalkasi ay qidadeeyeen labadan eedeysane oo ay ku soo xero geliyeen in ay ka talo bixiyaan film laga sameynayo Burcad badeedka.
Dawlada Belguim ayaa sheegtay in ay madaxweynihii hore ee Ximin iyo xeeb Maxamed Aadan Tiiceey uu yahay nin la shaqeysan jiray Afweyne oo hore u afduubtay markab laga leeyahay dalka Belguim.
Booliska dalka Belgium ayaa sheegay in labada eedeysane lagu soo oogay afduub ay u geysteen sanadii 2009kii markab dalkaa laga leeyahay oo la yidhaahdo Pompei iyo shaqaalihii la socday.
Afweyne ayaa horaantii sanadkan sheegay in uu hore u ahaa madxa Burcad badeeda xaruntoodu aheyd Xaradheere balse uu hawlihii burcadnimada k waan toobay.
SDN-Brussels