Dawlada Australia oo $9 million ugu deeqday dalka Soomaaliya
Nairobi Mar 11,2014(SDN)-Dawlada dalka Australiya ayaa shaacisay in ay u qoondeeysay deeq gacan qabad ah dalka Soomaaliya oo loo isticmaali doono dejinta iyo dawlad dhiska.
Dawlada Australiya ayaa sheegtay in $ 9 ka million ee ay Soomaaliya ugu deeqeyso $ 1.8 million ka mida loo qoondeeyay ciidamada Afica ee AMISOM halka $ 7,2 million ka kalena loo qoondeeyay gargaarka bini aadamnimo,
Waxa sidaa lagu sheegay qoraal la gaarsiiyay saxaafada ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Caawinadan ayaa la shaaciyay xili Qaramada Midoobey ay shaacisay qeylo dhaan ku aadan suurtogalnimada xaalad bini aadamnimo oo Soomaaliya soo wejahda.
Hay’ada gargaarka caalemiga u qaabilsan QM ee OCHA ayaa sheegtay in ay u baahan tahay aduun dhan 933 million dollar si ay gargaar ugu fidiso Soomaali caqabado ay soo wejihi doonaan sanadkan.
SDN-Nairobi