Dawalada Masar oo ka walaacsan farogelinta Itoobiye ee Soomaaliya
Riyadh March 06, 2024 (QJ) -Wasiirka arrimaha dibadda Masar Sameh Shoukry ayaa ka digay in madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay khatar haatan wejeheyso.
Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay shir wadatashi ah oo ay Masar iyo wadamada xubnaha ka ah golaha iskaashiga khaliijka ku yeesheen magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.
Shoukry waxa kale oo uu walaac ka muujiyay in xasiloonida Soomaaliya ay khatar ku noqoto faragelinta Itoobiya ee Somaliland, taasoo horseedaysa xiisad ka taagan Badda Cas, taasoo uu ku tilmaamay Doqonimo.
Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa carabka ku dhuftay in Masar ay ka soo horjeedo isku day kasta oo lagu wiiqayo xasiloonida dalalka Carabta iyo ku xadgudubka Axdiga Qaramada Midoobay.