|

David Cameron Oo ugu baaqay Uhuru Kenyata in uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya

London April 02 2013 (SDN)— Xili Raysal wasaaraha dalka Britain David Cameron uu hanbalyo u dirayay Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyati ayaa dhanka kale wuxuu ka codsaday Madaxweynaha Kenya in si weyn uu ula shaqeeyo Xukuumada Soomaaliya, maadama ciidamo ka socda Kenya ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

David Cameron ayaa sheegay in Loo baahan yahay hogaanka Cusub ee Kenya uu meeshiisa ka siiwado caawinaada Soomaaliya,islamarkaana uu kordhiyo dagaalada uu kula jiro Ururka Al-shabaab oo Al-Qaa’ida xariir wadaag yihiin,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in Al-shabaab laga yaabo in taatikadoodii hore wax ka badalaan.

Wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay Mr Cameron Raysal wasaaraha dalka Britian in marnaba uu ka gaabi doonin taageerada uu siinayo wadamada isku howlay inay taageero Malitari siiyaan Soomaaliya oo dagaalo ay ka jiraan.

“Dowlada Kenya waxay ka mid tahay dowladaha Ciidamadooda ku Taageeray Soomaaliya si qeyb kaga Noqdaan howlgalka AMISOM,waxaana waajib inagu ah sii wadida taageeradeena Kenya,xitaa hadii isbadal dhanka Maamulka ah uu dhacay”ayuu Yiri David Cameron.

Raysal wasaaraha dalka Biritin David Cameron ayaa hadalkaan ku sheegay war qoraal ah oo xafiiska ka soo baxay,kaasi uu hanbal uu ugu diray hogaamiyaha cusub ee Kenya kuna booriyay shacabka Kenya inay is dejiyaan o amaanka ilaaliyaan.

Dhamaan hogaamiyaasha reer galbeedka ayaa bogaadiyay hogaanka cusub ee dalka Kenya uguna Baaqay inay xoojiyaan xariirka wada shaqeeyneed ee ka dhaxeeysa.

SDN-London 

Comments are closed