|

David Cameron Oo Magacaabay Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda

London:Jully,16,2014(SDN/QJ)-Ra’isal wasaaraha Dalka Britain David Cameron, ayaa Xogyaha Arrimaha Dibadda u magacaabay Philip Hammond ooh ore u ahaa Wasiirka Gaashaanigga dalkaas.

hmoArrintan ayaa ka dambaysay markii uu xogyayihii hore ee Arrimaha Dibadda Britain oo ahaa William Haague uu si lama filaan ah iskaga casilay shaqadii uu hayey.

William Hague ayaa maalintii uu shaqada ka tegayey ku sheegey barta uu ku lee yahay Twitterka in uu xilka Arrimaha dibadda iska casilaayo isla markaana noqonaayo Hoggaamiyaha Aqalka hoose, sidoo kale wuxuu tilmaamay masuulkaasi in aanu isu soo sharaxayn Doorashada sanadka danbe 2015 in uu noqdo Xildhibaan.

William Hague ayaa ka mid ahaa Baarlamaanka Britain tan iyo sanadkii 1989, waxaana uu hore u soo noqdey hoggaamiyaha xisbigiisa Conservative.

Ninka loo magacaabey Arrimaha Dibadda ee Britain Philip Hammond ayaa ah nin si weyn loogu yaqaan in uu ka soo horjeedo siyaasadda Midowga Yurub, iyada oo muddooyinkii danbe Britain ay ahayd mid si gooni ah isu fuquuqdey, siyaasadooda Midowga Yurubna ay gaadhey heerkii u xumaa kadib markii ay hor istaagi waayeen Jean-Claude Juncker oo noqonaya Madaxa Kommishanka Midowga Yurub kaas oo dalka Jarmalku watey.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed