|

” Dastuurka Ninkii Ka Weyn,Meeshu Doono Ha Ka Dhaco ” Ra’isal Wasaaraha Somalia

Muqdisho 14.Nov 2013 (SDN)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa fariintii labaad uu ku muujinayo mowqifkiisa khilaafka isaga iyo Madaxweynaha waxaa uu soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay. Mr Saacid ayaa wali ku adkeysanaya in aanu casili doonin, isla markaana uu ku qanacsan yahay in Baarlamaanka Federaalka uu soo dhex galo khilaafka.

“Xalka dalka waxaa uu ku jiraa dastuurka inoo qoran oo la raaco” ayuu Ra’iisul Wasaare Saacid ku qoray Bogiisa Facebooka.

ssShalay ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaruhu war kooban uu soo dhigay barta Facebook ugu baaqay taageerayaashiida Muqdisho inay is dejiyaan.War saxaafadeedka uu shalay soo saaray Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa waxaa uu kalsooni ku muujiyay in Baarlamaanka lagu kala baxo, isaga iyo Madaxweynahana ay isku hayaan arrin Dastuuri ah oo aan siyaasad aheyd.

Warkan kooban ee uu soo dhigay Ra’iisul Wasaare Saacid barta Facebook ayaa ku soo aaday, saacado kadib markii Xafiiskiisa ay ugu tageen ilaa labaatan Wasiiro, kuwaasoo ka dalbaday inuu is casilo.Balse fariintan ayaa la dhihi karaa inay jawaab u tahay Wasiiradiisa u yimid ee kula taliyay inuu is casilo, si uu tanaasul ugu muujiyo danta qaranka.

Si kastaba ha ahaatee khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la ogeyn halka uu ku dambeyn doono.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed