|

Daruurihii Dihnaa Ee Jaan Oo Ku Hooray Khayriyadii Xudunta Hargeysa W/Q:Rashiid Sulub Caalin

Hadii aynu dib u milicsanno Markii aynu ku soo noqonnay waddanka, dibna aynu ula soo noqonay madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland   taladii ahayd inaynu hagaajisanno wixii aynu ku soo dagaallanay, oo aynu daryeelno ayeynu ula dhaqaaqnay inaynu si xun ugu takrifalno, oo aynu inagu lugaha is goyno.

Waxyaalaha sida xun loogu takrifalay waxa ka mid ahaa goobo badan oo dan guud ah, islamarkaana ahaa waxyaalaha lawada leeyahay sida Iskuuo, Seerayaal Eerboodo, Warshado, Dhuumo Biyood, Kaalmo Shidaal, Qalab Ciidan, Iskaraab, Guryo, Xafiisyo, Cusbitaallo, Xeryo Ciidan, Waddooyin, Bakhaarro sidii aynu kaga baxnay ah, Biyo mareenno iyo goobaha qashinka lagu daadiyo .

Haddii aynu yara iftiiminno sida loogu takrifalay waxyaalahaas danta guud ah, waxa jiray Sida dhacday ee la sheegey  nin Wariye ahaa una dhashay dalka faransiiska, oo la socday Jabhaddii SNM, ee ku guulaysatay dib-u-xoraynta dalka, ayaa wuxuu Wariyahaasi la yaabanaa sida inamadaa yaryar, ee uu la socdaa ay ugu hammuun qabaan inay hantiyaan dalkooda hooyo maadaaama ay la dagaalamayeen dowladii ugu quwadda waynady Afrika kuna guulaysteen inay ka xoreeyaan dalka,iyagoon wax dowladdo  ajanabi ahi ayna gacan siinayn.

Wariyahan Faransiiska ahaa wuxuu  aad ugu hanwaynaa kooxdii uu la socday oo ahaa kooxihii ugu horeeyey, ee soo galay magaalada Hargeysa, kooxahaa qaar ka mid ah, ayaa waxay bilaabeen isla habeenkiiba in jiingadihii iskuulada u dhowaa ay fadhataystaan.  Ninkii wariyaha ahaa wuxuu u qaatay inay markiiba ku dhaqaaqeen dibuhabayntii iskuulada, oo ay kuwo cusub ku beddelayaan si tacliintii loo bilaabo. Laakiinse  wuxuu ka amakaagay markii looxii guryaha ee jiingadda hayey, islahabeenkii dambeba ay shiteen. Anigoo aanay ujeedadaydu  ahayn inaan cid ceebeeyo, oo aan aniguna saliim iska dhigo laakiin ay haboonayd in mid dibad joogay iyo  mid waddanka ku sugnaaba  masuuliyadi inagga saarnayd inaynu ilaalino wixii gacanta inoogu jira.

Kuwo kale oo kamida dadkii waddankan xoraystayna waxay la wareegeen goobihii muhiimka ahaa, ee aynu kor ku xusnay, iyagoo iska daa hagaajine guryihii dowladda, ee aad u dhisnaa galay, dadkiina ay ka sheegteen dhinaca ay doonaana ka dalooliyeen, siday dooneena ugu takrifaleen , sida iibinta, wareejinta guryaha dowladda, burburinta iyo sixun u dhisida oo aanay cidna kala tashanayn.

Arrintaasi oo dowladdihii soo maray dalkani ay daawanayeen talo-xumadaas, iyadoo shaqadii loo doortayba ay ahayd in meelahaa kor ku xusan la daryeelo lana ilaaliyo, iyadoo ay dhacdo in marwalba laga hadlo meel dan-guud ahayd oo la iibiyey, ayaa waxa kaa yaabinaya marka la iibiyo ama cid lagu wareejiyo goob muhiim ah oo ka muhiimsan tii hore,

haddaba waxa fajaciso noqotay khayriyadii xudunta Hargeysa ahayd in loo ogolaaday in makhaayad laga sameeyeyo,  oo dad gaara la siiyey. Anigoon garanayn  cidda la siiyey waxa ay tahay.

Goobtaas khayriyadda oo waxyaalaha looga faa’iidaysan karayo ay ka mid yihiin gurmadka degdega ah haddii ay aafooyin dhacaan, oo ay u noqoto goob dhexe oo laga maamulo hawshaas iyo iyadoo goob istaraatajiyad leh ahayd loogana faa’iidaysan karayey in lagu qabto dhowr arrimood oo ummadda loogu adeego.

Goobtaas qiimaha leh, oo ay agteeda taalo diyaaradii Hargeysa inta ay ka kacday haddana dib u duqaysay oo xusuus fiican inoo ah, sidoo kale waxa lagu xusuustaa qudbadihii meeshaas ka bixi jiray markii waddanka la soo galay iyo ka dibba, ee dadka lagu wacyigalin jiray oo wali kasii guuxaya dhegeheena.

Haddaba muwaadin waxaynu odhan karnaa Hoog iyo Baaba wuxuu yimaadaa marka ay is kaashadaan ninkii askariga ahaa ee ilaalinayey danaha guud iyo masuuliyiintii u shaqaynayey bulshada ee u adeegayeyey.

Sida uu Nabigeenu (CSW) ku dardaarmay markuu sii wafaadayey, dhowrkii kalmadood ee ugu dambeeyey ee afkiisa laga hayey wuxuu ku dardaarmay salaada oo la ilaaliyo iyo waxa gacmaheena ku jira oo aynu ilaalino masuuliyadna iska saarno.

Sidaas awgeed waxaan u soo jeedinayaa dowladiyo dadba dadkii ku lug lahaa goobaha muhiimka ah, ee aynu soo sheegnay inay si xun ugu takrifaleen in iloohooda abuuray ay u toobad keenaan, oo ay dib ugu noqdaan, ciddii magdhabaysa waxay hanti burburiyeena in la qaabilo oo lagu dhiirigaliyo waa haddii ay jecel yihiin inay ka baxaan xisaabta yoomal-qiyaamahaha, waxaana habboon inaan  khaladka lasameeyey aan khadlad kale lagu sixin.

Haddii aynu ku soo noqonno Makhaayadan laga furay Khayriyadda, waxa uu qofkasta oo maskaxdiisu saliim tahay uu garan karayaa inaanay ahayn goob shaqsi yeelan karo haddii sawirka madaxweynaha la horsudho si loogu beerlaxawsado, iyadoo goobtaasi ay dadweynuhu si fiican u garanayaan qiimaheeda oo aan aan ka tir-tirmayn maskaxdooda .

Rashiid Sulub CaalinHudheelkaas oo wixii laga cunaa ay musqul ku dambaynayaan haddii dadka sidaas oo kale ah, ee goobahaas qiimaha leh six un u isticmaalay aan wax laga qaban waxaad arkaysaa iyadoo ubadkoodii iyo iyagaba cuqubooyin cadcad ka soo ifbaxayaan, halkii ay lahaayeen ka faa’iidaysta. Cuqubooyinkaas oo ay ka mid yihiin xanuuno lagu sallido, ubadkoo ka xumaada iyo iyagoo aan nolosha wax horumar ah ka samaynin.

Waxa aan ku soo koobayaa, oo iga talo ah  inuu caqligu shaqeeyo oo aan ujeedo yar oo gaaban tii waynad ee dadka u dhaxaysay aan  lagu badalan.

W/Q:Rashiid Sulub Caalin Tel:0634426781 Email:fatxisulub@gmail.com

Comments are closed