|

Dareenada Ku Meersan Dhismaha Baarlamanka,iyo Wararka Hor dhaca ah ee la Filayo inay Ku dhawaaqaan Gudida Guurtida ee Daminta Muranka Wakiilada

Hargaysa 19.Feb 2014 (SDN)- Mudanayaasha Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ayaa Haatan ku soo Qul qulaya Xarunta Baarlamanka Somaliland ee Caasimada Hargaysa iyagoo u soo Diyaar garoobay Kulan Wakhtigiisii ka soo hor maray oo ay Golaha Wakiilada isugu Yeedheen Gudidii Golaha Guurtida ee dhex dhexaadinta ka waday Khilaafkii Golaha Wakiilada Mudooyinkii u danbeeyay ka dhex aloosnaa.

Photo File

Photo File

Xildhibaanada Muxaafidka ah ayaa Isla dhex maraya Erayo ay ku Cabirayaan inuu Jiro Heshiis Is afgarad oo ay gaadheen Xubnaha Sadexda ah ee Hogaamiya Aqalka Wakiilada Sidoo kale Mudanayaasha Mucaaridka ah ee Wakiilada ayaa Jewigooda laga dareemayaa Degenaansho ka duwan ayaamihii Muranka .

Wararka haatan Sida Weyn uga Dhex socda Kaamboolka Baarlamanka oo aanu ku sugan nahay ayaa Sheegaya in Go’aanka Guurtidu ku dhawaaqi doontaa uu yahay Mid ka dhigaya awooda Shirgudoonka Golaha Xilka lagaga qaadi doono inay noqoto 42,Sidoo kale Waxay Wararka hor dhaca ahi ay Tibaaxayaan in Ergadu ay Mudanayaasha labada dhinac ka dalban doonaan inay  Meel Mariyaan Go’aanka Ergada oo lagu tilmaamayo mid Xal u noqon doona Murankii adkaa ee Kala Qaybiyay Hogaanka Golaha Sababayna in Mudanayaashu ay kala Jabaan,Isla markaana ay Xidhibaanada Muxaafidka ahi soo Gudbiyeen Mooshin Soo Dedejin lahaa In Gudoomiye C.raxmaan Cirro Xilka laga Xayuubiyo.

Ergada Golaha Guurtida ayaa Sida naloo Sheegay Golaha Yimid Xilli ku Siman 6:10 Subaxnimo iyagoo ilaa iyo haatan ku jira oo aan ka soo Baxayn Xafiiska Gudoomiye Xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Taas oo adkaysay in Wax War ahi ka soo baxo.

Amaanka Golaha Baarlamanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo la soo dhoobay Ciidan Tirro badan Sidoo kale Saraakiisha Sare ee Ciidanka Booliska ayaa ka Muuqda Wajahada Hore ee Baarlamanka .

Sida ugu Suurto galsan ayaanu akhyaarta ku Xidhan Shabakada Qurbejoog.com ugu soo Gudbin doonaa Wixii War ah ee ka soo baxa Fadhiga aan Caadiga ahayn ee Wakiilada.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed