|

Darawlakii Fooxle Oo Qarxiyay Sir Culus Oo Musuq Maasuqa iyo cadalad darada ay ku xidhanyihiin masuliyiinta xaqdarada ugu xidhan siilaanyo oo la xidhiidha rashinka madaxtooyadu lunsatay

Darawlakii Fooxle Oo Qarxiyay Sir Culus Oo Musuq Maasuqa iyo cadalad darada ay ku xidhanyihiin masuliyiinta xaqdarada ugu xidhan siilaanyo oo la xidhiidha rashinka madaxtooyadu lunsatay .

Faysal Aaden Bojaar oo ahaa dirawalkii gaadhiga taliye ku xigeenka booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa soo bandhigay dalab kaga yimid Taliye ku xigeenka, kaasi oo la xidhiidha inuu saddexdii masuul ee loo xidhay eedaymaha musuqmaasuq uu markhaati been ah ku furo.

Faysal Aaden Bojaar waxa uu sheegay in Taliye ku xigeenka boolisku ka codsaday inuu markhaati been ah ku furo masuuliyiintaasi, lana siin doono lacag dhan $ 30,000 doolar arintana ay Madaxtooyadu danaynayso.

Dirawalkan oo ka mid ah ciidamada booliska Somaliland isla-markaana ahaa dirawalka gaar ah ee taliye ku xigeenka booliska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu arintaasi ka biyo diiday una sheegay taliye ku xigeenka in aanu arintaasi samaynayn maadaama oo uu umadda u dhaartay sanadkii 1993-kii.

Hadaba dawlada somaliladn oo ku fashilantay xadhiga masuliyiintaas ayaa ay iska cadahay in ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayso sidii ay markhaati been ah u helilahayd .waxaana cad inaanu ilahay subxaana aanu jeclayn cadaalad darada taas oo markay fal ku dhaqaaqaanba fashilaysa.

Madaxwayne silaanyo oo noqday ma waxaan ku mooday mise sidaan doqotay mise waxaan loo noqondoonin.Waxa hadaba maanta cadaatey inay dawladii ku fashilantay arinta xadhiga masuuliintan aan maxkamad ilaa hadda lasoo taagin kiis loo la’yahay awgeed waxaa kale oo jirtay Balan ahayd in saaka ah april 3 2012  la hor keeno sadexdaas eedaysane maxkamada ayaa hadana dib loo sii dhigay kadib  markii ay waxba ka socon waayeen mu aamaraadkii laga soo abaabulay madaxtooyada oo iyadu ah goobta lunsatay raashinka intiisii badanyd, isla markaasina cid kale dhakada ka saaraysay amabaku wanjashay sadexdan eedaysane ee u xidhan danbi ayna qabin iyo cadalad darada  taasi oo cadaynaysa sida loogu laayahay marag rasmi ah oo ku fura waxa lagu haysto.

Arinta kale ee layaabka iyo cadaalad darrada lihina waxa weeye in qareenadii nimankan xidhan oo maalin walba ku lu go’a xeer ilaalinta dawladda iyagoo ka codsanaya inay u soo gudbiyaan kiiska lagu haysto eedaysanayaasha hase yeeshee maalin walba ku hungooba in ay jawaabo ka helaan xeer ilaalintii dembiga soo oogtey.

Waxa iyaduna dadkii la yaabanyahay Madaxtooyadii oo bilowday iska hor keenka shicibka reer soomaliland tiiyo Xirsi iyo Cukuse soo abaabulayaan dad u jawaabaya qoysaskii iyo eheladii maxaabiista xaqdarada u xidhan oo habeen iyo maalinba dawladda ka dalbanaya in masuuliyiintaas kiiskoodu cadaalad u dhaco, maxkamad xaq ahna la horkeeno.

Dhanka kale nimankii danbiilayaasha dhabta ah ahaa ee raashinku u rarnaa cadaymo badana lagu qabtay ee isla masuuliyiintan u xidhani hore u qab qabteeen ee ay xabsiga dhigeen balse ayaan darro markiiba ay jeelka ka soo daayeen wasiiro iyo mas’uuliyiin waaweeyn oo xukuumadda ka tirsani.

Danbiilayaashaa dhabta ah ayaa ilaa hadda debeda iska jooga oo lagu dhici la’yahay in habayaraatee waaran lo jaro iyagoo hoos hadhsanaya awooda dawladeed ee ay ku takrifalayaan mas’uuliyiintii markii hore xadhiga ka badbaadisey wanjalaadna u dhigtey masuuliintan xaqdarrada u xidhan.

Hadaba waxaa inoo cadaanaysa dawladii aynu dooranay ee aynu rabnay inay cadalad darada iyo musuqmaasuqaba waxka qabato ay iyadii hormoodkatahay maan la orankarin waa kadaroo dibi dhal .

Waxay runtii dhabarjab wayn u tahay shacabka somaliland oo hamigoodii ku hungoobay .Hadaba waxaan shacabka xalaashaa ee reer somaliland gudo iyo dibadba u soo jeedinayaa inay ilgaara ku fiiriyaan cadalad darada iyo musuqmaasuqa ragaadiyey dalkeena iskuna dayno sidii aan wax uga qabanlahayn ceelna uma qodna cidna uma maqna kuwa u maqani ee uu dalku sugayaa inay waxaas oo  dhan  wax ka qabtaan waa inaga ee fadhiga ha laga kaco oo ha loo soo jeesto dalka . allah mahadleh…..
 
By: Mohamed Ahmed Cige (mohamed case)
Ottawa,Canada

Comments are closed