|

Daraasad lagu Sameeyay Caqabadaha Diiwaangelinta & xilliga ku habboon in la qabto Iyo Talo Bixinta Shacabka Akhri

Hargaysa 02.April 2015 (SDN/QJ)- Akademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, ayaa soo bandhigay daraasad laga sameeyey ray’iga dadweynaha oo la xidhiidha waxyaabaha laga bartay diiwaangelintii codbixiyaha ee dalka ka qabsoontay sannadihii 2008 iyo 2009.

Xaflad lagu soo bandhigay daraasaddan oo ka dhacday hotelka Guleed ee magaalada Hargeysa shalay, waxa ka qaybgalay golayaasha Baaarlamaanka [Guurtida iyo Wakiillada], Wasaaradda Arrimaha Gudaha, axsaabta qaranka, ururrada bulshada, ardayda jaamacadaha iyo aqoonyahanno.

Agaasimaha Akademiga Nabadda iyo Horumarka  Somaliland Md. Maxamed Faarax Xirsi oo ugu horreyn halkaa ka hadlay, ayaa u mahad-naqay dhammaan ka qeybgalayaasha kulanka lagu soo bandhigayey daraasadda ku saabsan casharrada laga bartay diiwaangelinta codbixiyaha ee hore dalka uga qabsoomay.

“Kulankan yar ee gaaban waxaannu halkan isugu kiin yeedhnay inaynnu kaga hadalno daraasad aannu sameynay sannadkii hore oo ku saabsaneyd diiwaangelinta codbixiyeyaasha, daraasaddaas waxaannu dib ugu eegeynay, maadaama aynu mar labaad sameynayno diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaannu dib u eegnay tii 2008/2009kii oo aannu ka sameynay daraasad, annaga oo daraasaddaas ka eegeyna dhinaca ah dadku sidee bay u arkayeen diiwaangelinta 2008/2009,” ayuu yidhi Mr. Xirsi.

Waxa kaloo halkaa ka hadlay Isu-duwaha Barnaamijyada Akademiga Nabadda iyo Horumar Md. Axmed Maxamed Diiriye iyo Md. Nasir Osman oo ka tirsan hawl-wadeennada cilmi-baadhayaasha Akaademiga, kuwaasoo sharraxay xogihii lagu soo ogaaday daraasaddan iyo hannaankii loo maray daraasaddan xog-ururinta ahayd ee ra’yiga dadweynaha ee diiwaangelinta codbixiyaha, iyadoo daraasadaasna laga soo ururiyey 12 degmo oo ka tirsan lixda gobol ee sharciga ah ee Somaliland, taas oo lagu wareystay dad tiradoodu dhan tahay 1,840 qof ah, dadkaas la warraystay oo lagu dooranayay hab-xisaabeed istaatistikis bakhtiyaa nasiib ah.

Daraasadda ayaa iftiimisay waxyaabaha caqabadaha ku noqday diiwangelintii codbixiyaha 2008/2009, iyagoo 26.3% oo ka mid ah dadka la waraystay tilmaamay in wacyigelin la’aan sababtay in dadku qaataan kaadhadh badan (hal kaadh wax ka badan), halka 23.2% ahna yidhaaheen in qabyaaladdu sabab u ahayd fashilka arrintaas, iyagoo 3.8% sheegay inay jirtay ciqaab la’aan sharci, taasina sabab u ahayd in qof kastaaba qaato wax ka badan hal kaadh.

Dadweynaha kala duwan ee daraasaddan lagu waraystay oo la weydiiyey xilliga ay doorbidayaan in la hirgeliyo diwaangelinta codbixiyeyaasha, waxa 64.3% ka mid ah doorbideen in la qabto xilliga gu’ga ee bilaha April iyo June, halka sidoo kale 89.3% taageersan yihiin in diiwaangelinta codbixiyhu muhiim u tahay in la helo doorasho xor iyo xalaal ah.

Wakhtiga Ku Haboon in doorashada la qabto

widget_export-22Picture11-1024x577

Comments are closed