Danta ay Somaliland ka lahayd haynta Budhcad-Badeedda iyo halista ka hor imanaysa marka Dawlada Soomaaliya la dhiso
Hargeisa 28, August 2012 (SDN)- Wargeyska caanka ah ee the Guardian oo ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa dhowaan warbixin aad u dheer ka diyaariyey budhcad badeedka ku xidhan xabsiga Somaliland, warbixintan oo uu diyaariyey saxafi lagu magacaabo Mark Tran waxa uu kaga hadlayaa booqasho uu ugu tegey maxaabiista budhcad badeedka Soomaalida ee ku jira xabsiga dhex ee magaalada Hargeysa, saxafigu waxa kale oo uu xusayaa heshiis arrinta maxaabiista ku aaddan oo madaxweynaha Somaliland magaalada London kula saxeexday dhiggiisa dalka Seychelles iyo ujeedada somaliland ka lahayd aqbalaadda in ay hayso maxaabiista budhcadda badda laga soo qabto ee dalalka shisheeye lagu soo xukon. Wariyuhu waxa uu soo xiganayaa hadal uu taliyaha ciidamada Maraykanka uga qayb galaya la dagaalanka budhcad badeeddu ku sheegay in dawladda cusub ee Soomaaliya ay qayb ka noqon doonto ciidamada la dagaalanka budhcad badeedka, arrintaas oo in kasta oo aanu saxafigu ka hadlin, haddana ay iska caddahay in ay madow badan gelin doonto qaabka ay Somaliland hadda kadib ula wareegi doonto budhcad badeedka, kaas oo noqon kara hab wax u dhimaya qarannimada Somaliland oo ah in ay arrintaa kala shaqayso dawladda Soomaaliya oo u aqoonsan maamul goboleed.
Wariye Marka Tran waxa uu warbixintiisan ku yidhi, “Captain Jeremy Hill, oo ah taliyaha markabka dagaalka ee Maraykanka USS Taylor, oo qayb ka ah ciidamada NATO ee badda u jooga la dagaalanka budhcad badeedka, ayaa sannadkan sheegay in ay aad ugu adkayd in ay kala saaraan kalluumaysata sharciga ah iyo budhcad badeedka.
Laakiin rajada uu kabtan Jeremy Hill qabo ayaa ah marka ay dawladda cusub ee Soomaaliya dhalato oo ay ka mid noqon doonto ciidamada NATO iyo kuwa caalamiga ah ee budhcad badeedka ugaadhsada” Taas oo macnaheedu yahay in ay Soomaalidu kala garan doonto budhcad badeedka iyo kalluumaysata. Si kastaba ha ahaato ee arrintani waxa ay khatar ku tahay heshiiska ay Somaliland kula jirto bulshada caalamka ee ah in ay budhcad badeedka xabsiyadeeda ku hayso, haddii aan hadda laga sii fikirinna waxa ay keeni kartaa in Somaliland ay ku qasbanaato in ay maxaabiistaa budhcad badeedka ah kala wareegto ciidamada dawladda Soomaaliya ee ka mid noqon doona kuwa caalamiga ah ee badda jooga oo iyagu Soomaalida isu deyn doona, taasina waxa ay khatar ku tahay qarannimada Somaliland maadaama oo ay la macaamilayaan dawladda Soomaaliya oo dabcan aaminsan in ay Somaliland dhulkeeda ka mid tahay.
Si kataba ha ahaato ee arrintani waxa ay kala caddaan doontaa marka ay dawladda loo dhiso Soomaaliya hawshan fulinteeda qaaddo iyo go’aanka ay xukuumadda Somaliland ka qaadato.
Warbixintaas oo aad u dheer oo uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa u so okoobay, waxa kale oo lagu yidhi, “laba indhood oo aad u mad-madow ayaa ka soo dhex muuqday daloolka yar ee albaab bira oo aad u weyn midabkiisuna cagaar yahay. Waxa ay eegayeen dadka sugaya in ay gudaha u soo galaan. Gudaha marka aad gasho, gaadh sita qalabka baadhista ee gacanta lagu qaato ayaa baadhaya dadka booqashada u socda, shandadaha iyo xamaamtana waa la baadhayaa. Buuq iyo faro tag-taag badan kadib waxaa dibadda loo tuuray nin isku dayey in uu qaad (Jaad) geliyo gudaha xabsiga.
Halkani waa xabsiga lagu magacaabo jeelka budhcad badeedka. Qalcaddan oo midabkeedu boodhe yahay waxaa si rasmi ah loo furay bishii November 2010-ka, kadib markii lagu sameeyey dib u habayn ay ku baxday Hal Milyan iyo badh doolar oo ay Qaramada Midoobey bixisay, si loogu hayo budhcad badeedka lagu helo dambiyada af-duubka ee ka dhaca badda Geeska Afrika.
In kasta oo ay tan iyo sannadkii 2008-da aad hoos ugu dhacday tirada weerarrada ay qaadayaan budhcad badeedku, haddana dadka arrimaha u dhuun-daloolaa waxa ay aaminsan yihiin in mushkiladdii aanay weli dhammaan. In ka badan 100 isku day af-duub maraakiib ayaa intii sannadkan oo keliya lagu fashiliyey xeebaha bariga Afrika, daraasiin budhcad badeed ahna waa la qabtay, laakiin waxa ay weli su’aali ka taagan tahay waxa lagu samaynayo budhcaddan la qabto. Dhammaan dalalka gobolka diyaar uma aha in ay qaadaan masuuliuyadda xabsi ku haynta budhcadda laga soo qabto badda.
Fursaddan waxaa dhaqso u buuxisay Somaliland oo sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday in ay ka madax bannaantay Soomaaliya, balse aan si rasmi ah loo aqoonsan, waxa ay ku tabarucday in budhcad badeedka lagu xidho ciiddeeda iyada oo taas ku doonaysa in ay xoojiso kaalinteeda caalamiga ah. Xabsigan waxaa ku jira 313 maxbuus, oo 17 ka mid ah maxkamad ku taalla dalka Seychelles xukuntay kadibna bishii March loo soo duuliyey Hargeisa.
In la helo dalal diyaar u ah in dhulkooda lagu maxkamadeeyo budhcad badeedka ayaa iyudana adkayd. Seychelles waxa ay sharcigeeda wax ka beddeshay sannadkii hore si ay u ogolaato in budhcad badeedka lagu soo qabto meel kasta oo biyaheeda ka baxsan lagu maxkamadeeyo ciiddeeda, in kasta oo ay haddana dalabaadka arrintan la xidhiidha qaarkood diidday.
Heshiiska 17-ka maxbuus ee budhcad badeedka ah lagaga keenay Seychelles ee loogu soo wareejiyey Somaliland waxaa bishii February London ku wada saxeexay hoggaamiyeyaasha labada dal. Madaxweyne James Michel-ka Seychelles iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa labaduba sheegay in heshiiskaasi ahaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca la dagaallanka budhcad badeedka”
Wariyuhu waxa kale oo uu warbixintan ku sheegay in ay jiraan cabashooyin ka imanaya maxaabiista oo qaarkood sheegayaan in aanay budhcad badeed ahayn oo laga qabtay xeebta Somalia meel Muqdisho u muuqata, iyo sidoo kale cabashooyin ay ka tirsanayaan garsoorkii Seychelles oo ay sheegeen in xataa qareennadii loo diiday iyo cuntada lagu siiyo xabsiga Hargeysa oo ay sheegeen in ay tii Seychelles ka fiicnayd in kasta oo ay sheegeen in la siiyo bariis iyo in yar oo hilib. Budhcad badeedda maxaabiista ahi waxa ay March Tran u sheegeen in ay iyagu doorteen in loo qaado xabsiyada Hargeysa iyaga oo doonayey inay ka ag dhowaadaan qoysaskooda Muqdisho, laakiin waxa ay ku cawdeen in aanay weli arag qoysaskooda.
Geeska