|

Danjire Nicholes Key oo ka Jawaabaya Dalab uga Yimid Xukuumada Somaliland Lana Filayo inuu Maanta soo Gaadho Hargaysa

Hargaysa 18.Aug 2014 (SDN/QJ)- Nicholas Kay oo ah Ergayga Qaramada Midobay u Qaabilsan Somalia iyo Somaliland, ayaa la filayaa inuu Maanta Soo Gaadho Caasimada Somaliland ee Hargaysa Isagoo ka Soo Kicitimi doona Magaalada Garowe oo uu Kulamo kala duwan la leh Hoggaanka maamulkaas.

Nicholas Kay5Nicholas kay Sida ay sheegayaan wararku booqashada Punt land ayaa la xidhiidha sidii uu Maamulka Puntland ugala hadli lahaa arrimaha maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud, khilaafka dowladda Federaalka iyo Puntland.

Waxaanu Kulamo la qaatay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt land C.weli Gaas Waxaa kale oo uu la Kulmay Baarlamaanka Puntland oo ay ka wada hadleen arrimaha siyaasada.

Amb. Kay ayaa dhowaan sheegay in maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud aanay saameyn doonin Maamulka Puntland,

Booqashada Nicholas Kay ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Madaxweynaha Puntland uu dhowaan ku dhawaaqay inuu xidhiidhka u jaray dowladda Federaalka, isla markaana u yeedhay xubnaha labada gole ee ka soo jeeda Puntland inay deg deg ku yimaadaan Garowe.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia iyo Somaliland ayaa la filayaa inuu Maanta oo Isniin ah kasoo degi doono Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyadoo ay dhawaan Somaliland ku dhawaaqday inay casuumad gaar ah u dirtay Ergayga oo ku Maqnaa xurguf siyaasadeed.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed