Danjire Maxamed El-Amine Souef oo soo dhaweeyay heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya
Muqdisho (QJ) – Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Danjire Maxamed El-Amine Souef, ayaa soo dhaweeyay dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya, oo dhawaan dib loo yagleelay. . Arrintan ayaa lagu shaaciyay war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen 11-kii Janaayo, ka dib kulan dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Labada hoggaamiye ayaa ku heshiiyey in dib loo soo nooleeyo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda si loo xoojiyo xiriirka labada dal. Danjire Souef ayaa ku tilmaamay heshiiska mid muhiim ah, isagoo ku nuux-nuuxsaday doorka ay ku leedahay fulinta ballanqaadyadii Ankara. Waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed, horumarinta iskaashiga amniga, iyo kobcinta isdhexgalka dhaqaale si kor loogu qaado nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada gobolka.
Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday bishii Abriil 2024 ka dib markii Soomaaliya ay eriday safiirkii Itoobiya khilaaf ka dhashay Somaliland. Khilaafkan ayaa ka dhashay heshiis is-afgarad ah oo u ogolaanaya Itoobiya inay hesho dekedda Somaliland si ay u taageerto madax-bannaanida Somaliland. Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay ilaa lagu xaliyo Ankara dhexdhexaadintii Turkiga bishii Diseembar 2024.
Heshiiska Ankara ayaa lagu gaaray wada xaajood uu martigeliyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyadoo madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ay goobjoog ka ahaayeen.
Soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa loo arkaa tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhanka dib u dhiska kalsoonida, kor u qaadista amniga, iyo kobcinta kobaca dhaqaalaha Geeska Afrika.