Danjiraha Britain U Fadhiya Magaalada Addis Ababa Oo Kulamo La Qaatay Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka ah Guddoomiyayaasha Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada
Hargeysa:May,27,2015(SDN/QJ)-Safiirka Dalka Britain u fadhiya waddanka Ethiopia Neil Wigan, ayaa Maalintii shalay Magaalada Hargeysa soo gaadhay, waxana uu isla maantaba Kulamo kala duwan La Qaatay Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka iyo Guddoomiyayaasha Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada.
Kulamada uu maanta la qaatay Hoggaamiyayaasha xisbiyada Mucaaridka, ayaan faahfaahin badan laga haynin, waxase ay Hoggaamiyayaasha laftoodu saxaafadda u sheegeen inuu kala Hadlay arimaha Muranka ka taagan muddo-kordhinta, isla-markaana kula dardaarmay inay dhammeeyaan wixii khilaaf ah ee arrintaas ka jira.
Sidoo kale waxa la filayaa inuu isla maanta Madaxweyne Siilaanyo la kulmo, isagoo kala hadli doona Arrimaha Doorashooyinka iyo tabashada Mucaaridku ka sheeganayaan Koroshsiimaha Guurtidu samaysay.
Danjiraha ayaan sidoo kale la la filayaa inuu Madaweynaha salaan iyo mahadcelin ula tegi lahaa, maadaama oo uu safiirku dhawaan ka tagayo shaqada, iyadoo ay dawladda Ingiriisku xilkiisa u soo magacowday haweenay. Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo uga mahadcelin doonaa sidii ay u wada shaqeeyeen mudadii uu shaqada joogay danjiruhu.
SDN/QJ