danbiilayaal dagaal ogayaal ku dhex dhuumanaya dawlada wa in heeg la hor geeya
somaliland tan iyo intay dib ugala soo noqotay xoraydeed dalwaynihi hore la iskugu odhan jiray somaliwayn waxay ku caan baxday nabadgalyo kala danbayn dimqradiyad cadaalad iyo sinaan
dawladihii aw kaw ka aha madaxwaynihii ugu horeeyay e ay somaliland yeelato alle ha u naxariisto e mudane cabdirahman ahmed (cali cabdirahman tuur ) mudadii koobnayd e aw xilka u hayay umada somaliland si runti aad u naxariis badan o wadaniyadi ku dheehantahay ayuu u hayay marki lo garan wayay ama lo garaabi wayayna si sharaf iyo wadaniyad laxaad leh ay ku dheehantahay wa ki xilka ugu wareejiyay( marxuum maxamed xaaji ibrahim cigaal ) alle ha u naxariisto wakhtigii aw xilka talada dalka hayay maxamed xaaji ibrahim cigaal xurguf yar ama ibtilo shaydan ka dib dalka lagu so noqoy si walaaltinimo ku jirto iyo waantaw laga waantoobay waxyaabo ay ka masuul tahay qabyaaladi aya lagu wada noola marxuumku marki aw geeriyooday si dimoqradiyad iyo sinaan ah oo qabyaalad ka fog oo dastuurka somaliland aw dhigayo watii si buuxda loogu wareejiyay madaxwayne ku xigeenkiisi o aha( mudane dahir riyale kaahin) dahir riyale marki lagaga guulaystay doorashadii madaxwaynaha wati aw si dimqradiyad buuxda o miisaankeeda laga dareemay aduun waynaha oo dhan ka wada yaabisay loogu wareejiyay madaxwaynaha haatan talada wadanka haya ee (mudane ahmed mahamed mahmuud silanyo ) dhacdooyinka sharafta iyo karaamada laha ee ay so caadaysatay somaliland waxay ku tusayan in cadaalad iyo sinaani ay jirto waxa kale o ay ku tusaysa in lo wad a hogaansana sharciga o la tix galinayay sharciga iyo nabad galyada wadanka iyo isku duubnaanta hadaba hadaan u so daadago dulucda faaladani ay xanbaarsantahay maxaynu kala kulanay dawlada aynu u hiilinay ee aynu hurnay nafteena maalkeena iyo rabitaankeena hadii aynu shacbi waynaha ku abtirsada somaliland nahay ?
runti abaal nin gala wa badanyay se nin guda wa yaryay abaalka waxaa guda ninka cabsida illahay ku badantahay qalbigiisa abaal waxaa gala ninka garawshiyaha leh abaal waxaa gala ninka yaqaan in lo galay abaal
xukunka manta aw ku maamulayo madaxwaynaha somaliland waxaa u dhiibay shacbiga aw manta tacadiga dilka dhaca boobka hantida qaranka musuqmaasuqa iyo iska horkeenka qabaailka wada daga somalialnd e isku duuban aw ku hayo ee aw ku maamulayo
runti qalin ka lo qaato dhacdooyinka mudo ka yar 2 sano gudohood o xukunka aw hayay silanyo wu dhamanaya lagumana so koobi karo se hadaan wax ka taataabto ama guud mar aan sameeyo waxooga wan ka sheegi kara
cabudhin
hadan so qaato cabudhinta lagu hayo saxaafada xorta ah e somaliland wali kamay dhicin somaliland in muwaadin wadankiisa u shaqaynaya o wariye ah in lagula kaco falal ka baxsan xuquuqal insaanka o xadhig leh o garaac leh o bahdil iyo car waxsheeg leh wariyuhu wuxu xaq u leeyahay inuu qalinka u qaato xaqaaiq jira wuxu xaq u leeyay inuu busho waynta aw u shaqaynayo ka dhargiyo xaqiiqda jirta wuxuu xaq u leeyay xoriyad aw ku hadli karo waxna ku sheegi karo inu helo o dastuurka somaliland ku taal
tacadiga
horteena ayay taala iyadoo video ah o laga wada daawanayay tvyada iyo dhamaan warbaahinta gudaha iyo dibadaba arinki( cabdirahman cabdilqadir farax) lagula kacay ina cabdilqadir wuxuu aha nin muwadin ah o u shaqaynayay madaxwaynaha u so halgamay u so dhaawacmay hantidiisa iyo naftiisiiba u huray sidii aw silanyo u soo saari laha una gaadhsiin laha kursiga ugu sareeya somaliland o ah halka manta aw fadhiyo silanyo marki aw dhamaystiray e aw gaadhsiiyay halki aw rabay silanyo muxuu ka filayay silanyo ? se maxay noqotay xaqiiqadii silanyo?
runti marka runta lo dadago wuxuu ka filayay ama aw xaq u laha inuu si sharaf iyo karaamo leh ula dhaqmo dhaman dadki la so shaqeeyay u huray naf iyo maalba se may dhicin e waxaa so baxay xaqiiqadi silanyo iyo wajigi kale e u qarsoona madaxwaynaha inuu yidhaahdo hadii aw ina cabdilqadir fadhiyo golaha ka so qayb gali mayo o aw ku xilo furo bixiyona amar lagaga xayuubinayo xilka aw u hayo xisbiga se akhriste waxaa is waydiin mudan sababta waxaasi ugu dhaceen ina cabdilqadir wa maxay ma danbi iyo arimo ka hor imanaya ajandayaasha iyo xeerarka u yaal xisbiga ayuu galay mise runta ayuu sheegay isago u danaynaya silanyo iyo somaliland midnimadeeda iyo cadaaladeda waynu wada ogayn hadal ka aw ka tabiyay war baahinta ee ku salaysna cadaalada iyo sharafta silanyo o aw ilaalinayay se mu garan silanyo
wali waxaan ku jira tacadiga lagula kacaayo muwaadiniinta u daacada ahayd silanyo iska da nin mucaarid ku aha agaasimihii horre ee wasaarada arimaha dibada runti shakhsi daacad wadniyad leh ayuu aha sababto ah wuxuu u adkaysan waayay musuqmaasuqa iyo dhacab boobka hantida umada ka dib markuu runta sheegay e aw xilkiina iska casilay wixi qabsaday waa la wada oga in lagu xanibay wadanka in aanu dhana uga bixi karin sidii o aw isagu musuqmaasuqa sameeyay ama danbi lo haysto in uun hadii aw silanyo wadaniyadi ku jirto ninka iyo rag kale o badan o( maxamed xaashi cilmi )ka mid yahay wu so dhawayn laha waxbaanu waydiin laha
arinkan ugu danbeeyay e foosha xun lagana yaabo inuu aano ama cidhib xumo reebo taas o ay sabab u yihiin ashkhaas ku caan baxday inay xalaashato dhiiga umada walaalaha ah e wada dagan somaliland ama ay isku dhufato laba beelood o nabad ku wada yaal general( ismail mohamed shaqale ) taariikhda aw ku laha somaliland iyo inuu meel xun kaga jiro tariikhda qormaysa maalin walba isba wu is oga somaliduna waxay tidhahda nin qoyani biyo iskama dhawro wuxuu taganyay kolayba hadaan ahay ismaciil aan ku galgasho tariikhdiisana hore waan uga hadlay se kuma dheeranayo imika lakin wa danbiile qaran laazimna waxaa ah in maxkabad la soo taago tunkana lo saaro danbiga aw ka galay qaranka balan waxaan ku qaaday si walba ha iigu adkaato e in dacwad ka dhan ah danbiilahaas aan u gudbiyo qaramada midoobay waxaan la tiigsan doona maxkabada danbiyada dagaalka e heeg hadii aan la iska qaban ashkhaasta nocas o kale ah joogsan mayan qofkuna hadii aw danbi galo in ifka lagaga jaro isaga ayay u fiicantahay aakhrona ti( illaahay sw)ayaa sugaysa
dadka shacabka ah ee dagaalka riday in maxkabad la hor keeno o dacwadooda la dhagaysto o lo ogolaado inay sheegan waxa ku kalifay inay la dagaalaman dawladooda ayay xaq iyo xuquuq u leeyiin se maaha in lagu xukumo maxkabad milatry o dil lagu xukumo iyo madaxa ha ku furto ma waxaynu joogna ti siyad bare siyaad ayaan sidaa u dhaqmi jirin xata
dhibka ugu wayn ee jira waxa weeye awrka aynu saaranahay wa bila hogaan hogaan ma laha xakamena malaha dawlada waxa u xakame ah golayaasha sharci dajinta qaranka palement iyo golaha odayaasha se nasiib xumo waxaa ah in labaduba ku jiraan jeebka madaxwaynaha
gudoomiyaha golaha parlement ga mudane( cabdirahmaan ciro ) waxaad mooda in aw xafiiskiisa aw ku shaqeeya ku yaal madaxtooyada dawladi dahir riyalena horteeda muu mari jirin e dabadeeda ayuu mari jiray maxay kuu cadaynaysa taasi ? waxay ku cadaynaysa in aanay jirin cid looga dacwooda kaliya in( united nationka ) la hor geeyo weeye
waxan ku soo koobaya faaladan o runti ila dheeraatay aynu meel uga soo wada jeedsano jiritaanka midnimada iyo nabadgalyada wadankeena aynu iska qabano ashkaasta danbiila yaasha ah e ku dhex dhuumanaya qaranka
walilaahi tawfiiq
yahye askar