|

Danaha is-diidan ee saxafiyiinta iyo mulkiilayaasha xarumaha warbaahinta Somaliland

Hargeysa (QJ)- Warbaahinta Somaliland gaar ahaan saxfiyiinta ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay ka cabanayay siyaasadaha ay rabaan in lagu shaqeeyo mulkiilayaasha xarumaha warbaahinta oo qaarkood ganacsato yihiin, halka kuwo kalana ay siyaasadda u jan jeedhaan.

Arintani waxay keentay in badi war-tabiyayaasha ka hawl gala Somaliland ay samaystaan madalo ay farriintooda dhex marin karaan sida Social Media oo uu ka mid yahay Facebook, halkaas oo ay badi ka furteen pages ay ku faafiyaan wararkooda si ay mustaqbalka uga maar mi karaan madax banaani la’aanta xarumaha warbaahinta ay ka shaqeeyaan.

Xadhiga dhawaan Hargeysa loogu gaystay saxafiyiin tiro abdan ayaa badka soo dhigay sida ay mulkiilayaasha xarumaha warbaahintu aanay dan uga lahayn saxafiyiinta ee ay u difaacanayaan dano kale oo iyaga u gaar ah. Tusaale ahaa wariye Cabdijibaar Maxamed Xuseen oo ka hawl galayay telefishanka HCTV ayaa Maxkamadda ay xubno telefishanka ahi ka sheegeen in ay aanay khusayn wararka ay sii daayeen, arintaas oo loo sababaynayay mulkiilaha telefishanka Farxaan Xaaji Cali oo imika ay isku dhow yihiin xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye.

Saxafiyiinta Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa oo marka horeba duruufo kala duwan ku shaqaynayay ayaa danaha gaar ka ah ee mulkiilayaasha xarumaha warbaahintu ay ku khasbaysaa in ay raadsadaan meelo ay u madax banaan yihiin, si ay usii daayaa wararka, barnaamijyada iyo warbixinaha ay dadku rabaan.

Comments are closed