|

DAMACA FOGEE DOQONI WAA HALKEEDEE!

Haddii aad joogto wadanka Somaliland gobol ka mid ah ama siiba ahaan Caasimadda Hargeisa, Jarmaadka aroorta hore indhahaaga maxaa ugu badan ee aad ku aragtaa?
Quruxdu maaha mid indho lagu arki karo laakiin Waxaad dareentaa shucuur qalbiga ama wadnaha ka imanaysa, Markaasaad nafta u sheegtaa kuna sasabtaa, Alleylehe iftiinkii noloshu waa kaas! Inyar ka dib ayaad hadana is weydiisaa muddo intee leeg ayaa ka hadhey goortii mugdiga wadanku ka bixi lahaa? Inyar markaad socoto ayaad maqlaysaa kaftanka iyo farxad nololeedka lagu jiro!
Bilicda indhahaagu waxan ay arkayaan maaha Dhir ama caleemo qoyan illeen intaas ayaad qurux u taqaanaaye, tan nabdiga ah ee aan ka hadlayaa waa quruxda baalcadda shaadhadhka wada cad ee hareerahaaga socda kuna taxan yihiin buugaag cilmi iyo qalinkaa wax suureeyaa!
Wadan dhan oo wada dhalinyar ah una heelan cilmi iyo wax-barasho ma wax ka qurux badan ayaa jira, waa maya? Laakiin quruxdan qiimaheegii mee?
Daryeelkii Dhulka iyo Dhalinyartu wuu dhadoodey, Waalidki wuu daaley, Dhalinyaradi way niyad jabtey, Dumarkii iyo caruurtii intooda badan noloshii aas’aasiga ahayd ma helaan, subaxa hore ayey ishaadu qabanaysaa Jarmaadka quruxda aan sheegay hadana waxaa intaas sii dheer Waxbarashadii oo gudheysa waydayna cid caawisa oo ku asturta quruxdii iyo maamuuskii ay lahayd.
Riyooyinkii dhalinyaradu wuu gabaabsamaa markey ku haftaan waxa hareerahooga kasocda, humaagii beenta ayaa masaxey wax kasta oo qurux badnaa, dhanka siyaasadda hawlaheega ma galayo sababtoo ah, waa halka ba’a iyo jabka dhalinyartuba ka bilawmay, mana rabo inaan ku biro halkay qaar badan ku madoobaadeen, laakiin waxaan rabaa inaan qoraal ugu hiiliyo xasuusiyana hawl-karnimada iyo quwadda ku jirta qofka dhalinyarta ah.
Haa noloshu way xanuun iyo mudacyo badantahay marka lagu jiro heerka dhalinyaranimada ee waxbarashada, tan ayaa aad loo dareemaa marka la joogo xilliga jaamacadaha, Inanka ama Inanta Hammi waxbarasho leh ee wadanka joogaa/taa waa qofka kali ah ee ka dhabayn kara Riyooyinka kala duwan ee noloshiisa, tusaale iyo tilmaamna u noqon kara bulshada.
Dharaaro hore waad soo dhaaftey waanad ka soo gudubtey wax yaabo badan, hadana dariiqa iyo marinka wuu dheeryahay, fogaantiisa ha eegin laakiin dib u eeg fogaanta aad ka joogto waqtigii hore, waad ku guulaysatey hadafkii nolosha, Guul? Haa Guul Guul ah!
Dariiqa iyo waddada aad haysaa waa dariiqii Jannada ee Rasuulkeena Muhammad SCW inoogu tilmaamay qofka raaca dariiq uu wax ku baranayo waa qof ku socda kuna sii jeeda dariiqii jannada!
Ha isku dhiibin hawraar nololeedka, hayaanku ma dhawa, hammiga fogee, horena u sii soco, waxaa hubaal ah inaad gaadhi halkaad rabto iyo meel ka sii sarreysaba.

Dux dhalinyaranimo oogadeediyo
Dayaxii iftiimaa daain kaa dhigee
Damaca fogee Doqoni waa halkeedee..

Waa inyar oon ugu talo galey inaan dhiirri galin uga dhigo dhalinyarta, inkasta oo aanan hal abuurnimada dhankeeda u janjeedhin haddan mararka qaar way dhici kartaa inaan inyar qoraallada raaciyo.

Haddaba dhalinyaro, wiilal iyo gabdhaba maxaa inala gudboon? Yaynu hiil ka sugnaa? Ma innaga ayaa ilkaha isku daawana oo macaanka iyo dhal-dhalaalka aduunka raacna? Mise…mise..
Maanta waa adiga barrina waa ilmahaaga, dariiq u sii jeex liibaan horseedi karta.

Mahad J Mohamoud Guleid
Mahadguleid@hotmail.co.uk
+60 11-1222 3193

Comments are closed