|

Damaashaadka 18-ka May Oo Aan Loo Kala Hadhin Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland

Hargeysa:May,18,2014(SDN/QJ)-Waxa Guud ahaanba Somaliland si weyn looga Xusay Sanad-guurada 23-aad eek a soo wareegtay markii Somaliland ay dib xorriyaddeeda ugala soo Noqotay Dawladdii Somalia.

yeeSida ay kusoo warramayaan wariyayaashayada Gobolada iyo Degmooyinka kala duwan ee Somaliland, ayaa saaka looga dareeray Munaasibaddan, waxana ay shacabku muujiyeen farxadda ku aaddan maalinta agtooda qiimaha ku leh.

Magooyinka Burco, Borama, Berbera, Lascanod, Ceerigaabo, Gabiley, Saylac iyo dhammaanba Degmooyinka kala duwan ee Somaliland ayaa xuskan laga abaabulay, iyadoo shacabka   gebi ahaanba ay ka muuqatay farxadda iyo ran-raynta Maalintani.

Nabadgelyada ayaa si weyn loo adkeeyey, walina lama soo sheegin wax dhibaato ah oo ka dhacday ama lagu arkay Goobaha  shacabku ku damaashaadayey.

Madaxda kala duwan ee Gobolada iyo xubno ka tirsan xukuumadda oo Deegamadaas u baxay, ayaa shacabka kala qayb galay farxadda Maalintan, iyadoo  ay halkaas uga jeediyeen Khubado ka turjumaya dhibaatadii loo soo maray xoriyaddan maanta lagu naaloonayo.

Farxadda ayaa la fiyaa inay Deegaanada Somaliland ka sii socoto ilaa maalinta Berri ah, maadaama dalku uu galay Laba Maalmood oo fasax ah, taas oo ay shacabka qaarkood gaadheen Deenadii ay kasoo jeedeen si ay uga qayb qaataan damaashaadka ay ehelladoodu ku jiraan.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sida caadadu ahayd caawa lagu qaban doonaa Munaasibad ballaadhan oo loogu dabaal degayo xuska Maalinta 18-ka may, waxana ka soo qayb  geli doonaa  Boqolaal ka tirsan shacabka reer Somaliland, kuwaas oo Gudo iyo dibadba iskaga kala yimi.

Waddamada kala duwan ee Caalamka sida Yurub, Amerika iyo carabaha  ayaa iyagana laga xusi doonaa Maalintan, iyadoo Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ay kala qayb qaadan doonaan jaaliyadaha kala duwan ee Somaliland farxadda Maalintan.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed