Dalxiisayaal Kulamo la yeeshay Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha.
Hargaysa 10.Feb (SDN) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Abiib Diiriye Nuur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Koox dalxiisayaal ah,oo booqasho ku jooga dalka Somaliland.
Xubnahan Dalxiisayaasha ah oo ka kala socday Wadamada Ingiriiska,Jarmalka iyo Faransiiska .
Haweenay ka mid ah Dalxiisayaasha ayaa Sheegtay inay tahay markii ugu horaysay ee ay Somaliland timaado isla markaana ay ku aragtay Waxyaabo faro badan oo soo jiitay,aadna ay ugu faraxsan tahay Imaatinkeeda Somaliland.
Waxaanay Guud ahaan Xubnahan Dalxiisayaasha ahi ay Tilmaameen nabadgalyada Buuxda ee dalka ka jirta,iyagoo ka mahadceliyay Sida diiran ee Meel kasta oo ay tagaan loogu soo dhawaynayay.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Abiib Diiriye Nuur oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta C.rashiid Jibriil Yuusuf ayaa si Wada Jir ah Xubnahan Dalxiisayaasha ah warbixin uga siiyay hawl qabadka Wasaarada Warfaafinta iyo Waaxyaha ay ka kooban tahay waxaanay Xuseen in Imaatinkoodani uu ka Turjumayo nabadgalyada iyo Xasiloonida buuxda ee ka jirta Somaliland,Isla markaana ka rajayanayaan in Wixii ay indhahooda ku arkeen ay gaadhsiin doonaan Shucuubta ku dhaqan Wadamada ay ka kala socdeen.
Dhinaca kale Dalxiisayaashani Waxaa booqdeen Suuqyada Caasimada,iyo Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha,halkaas oo ay ku qaabileen Wasiir ku Xigeen arrimaha Gudaha ee dhinaca Maamulka Mudane Cismaan Garaad Soofe oo ay wehelinayeen Ku simaha Duqa Caasimada hargaysa C.casiis Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji C.laahi Xamarje.
Hargaysa SDN.