Dallada Ardayda kabaxday Macaahida Shareecada lagu Barto ee Soomaaliya oo Kulankii Billaha ahaa ee Koowaad la yeelatay Ardayda kabaxday Machadka Ibnu-xajar
Gaalkacyo Nov 08,2014(SDN/QJ)-Kulankaani oo ay soo qaban qaabisay Dallada Ardayda kabaxday Macaahida Shareecada lagu barto ee Soomaaliya Ujeedadiisuna ay ahayd sidii loola xisaabtami lahaa Dallada Ardayda kabaxday Machadka Ibnu-xajar warbixinna looga dhagaysan lahaa Hawlihii iyo waxyaabihii ugu danbeeyay ee ay qabteen.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Dallada Dr.Cabdiraxmaan Xasan Yuusuf (Diiko) , iyo Gudoomiye kuxigeenka Dallada Muxiydiin Cabdidaahir Seeraar (Salmaan Seeraar) Manduubka Dallada ee Puntland Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi (Sanka) , Cabdiraxmaan Cabdiwaaxid Deeq oo kamid ah Xubnaha Golaha Shuurada ee Dallada , Gudoomiyaasha Maktabka Dacwada , Iclaamka , Xiriirka Gobolada iyo Maaliyadda.
Kulanka ayaa waxaa Furay Gudoomiyaha Dallada Dr.Cabdiraxmaan waxaana uu ka hadlay Ujeedada loo qabtay Kulankaani waxaana uu sheegay is barasho iyo xog waran kadib in loo baahanyahay inay ka waramaan waxyaabihii ay ka qabteen Qorshihii Shaqo ee loo soo gudbiyay , inay bilaabaan Olole Warbaahineed oo dhanka Dacwada ah , inay u diyaar garoobaan martiyaynta Arday kabaxday Machadka Shaafici ee Burco (oo lagu walaaleeyay Kulan loo qabtay Ardayda kabaxday Macaahida Shareecada lagu barto ee Soomaaliya 1-Agos oo lagu qabtay Laascaanod).
Dhanka kale Gudoomiyaha Dallada Ardayda kabaxday Machadka Ibnu-xajar Nasruddiin Axmed Cabdulaahi ayaa waxaa uu soo bandhigay Waxqabadkooda ku aadan Qorshihii Shaqo ee Dallada , waxaana uu codsi dhinacyo badan taabanaya usoo jeediyay Maamulka Dallada.
Ugu danbayn Manduubka Puntland ee Dallada ayaa isaguna waxaa uu kula Dardaarmay Dhamaan kasoo qayb galayaashii Kulanka inay aad u xoojiyaan Xiriirka iyaga oo adeegsanaya Tiknoolajiyada Casriga ah.
Mubaarak Muxamed Cabdulaahi
Gudoomiyaha Xafiiska Warbaahinta ee Dallada Ardayda kabaxday Macaahida Shareecada lagu barto ee Soomaaliya.