“Dalkaygu Wuxuu ku Jiraa Xaalad Dagaal” Madaxweynaha dalka Tuuniisiya
Tunis 06.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha waddanka Tuunisiya ee woqooyiga qaaradda Afrika Mr. Beji Caid Essebsi, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu galay xaalad dagaal oo degdeg ah, kadib markii dalkaas lagu dilay dalxiisayaal tiradoodu dhan tahay 38 qof, una badnaa muwaaddiniin u dhashay Ingiriiska, 26 June 2015.
Madaxweyanaha Tuunisiya oo hadal soo saaray, ayaa sheegay in dalkiisu dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah kala kulmayo kooxaha xidhiidhka la leh Al-qaacida iyo Daacish ama ISIS, isagoo xusay in ciidankiisu galay heegan buuxa.
“Dhibaatooyinka iyo hanjabaadaha joogtada ah ee uu wajahayo dalku waxay sababeen in la go’aamiyo in waddanka Tuunisiya galay xaalad dagaal oo degdeg ah, ciidankuna heegan ku jiraan (a state of war),” ayuu yidhi madaxweynaha Tuunisiya oo telefishanka kala hadlay dadweynaha dalkiisa, isagoo intaas raaciyey, “Marka aan aragnay khataraha argagixiso ee sida joogta ah inoogu socda, waxa aan go’aansanay in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah, iyadoo amni-darrada joogtada ah saamaxday in laga galo xaalad dagaal, taasoo inoo saamaxaysa in aan adeegsan karno tallaabooyin kasta oo suurtogal ah.”
Sida telefishanka Al-jazeera baahiyey shuruucda xaaladaha degdeg ah ee dalka Tuunisiya, ayaa dawladda siinaya awood xad-dhaaf ah, isla markaana awoodo dheeraad ah u ogolaanaya ciidanka millatariga iyo booliska, iyadoo sidoo kale ay waajib tahay in la xadido ama meesha laga saaro xuquuqaha aasaasiga ah ee bulshada, taasoo saamaxaysa in cid kasta la xidho, sharcigana la horgeeyo.
Amarka ka soo baxay madaxweynaha ayaa ka dambeeyey, kadib markii xilka laga qaaday masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay Badhasaabka Gobolka Sousse oo ah halka uu ka dhacay weerarka lagu dilay dalxiisayaasha badan, iyadoo sidoo kale la xidhxidhay dad badan oo laga shakiyey.
“Haddii ay yimaadaan guul-darrooyin dhinaca ammaanka ah, waxa iman doona guul-darro dhinaca siyaasadda ah, waana in la qaado tallaabooyin badan oo lagaga hortagayo arrimahaas.” Sidaa waxa yidhi la-taliyaha dhinaca saxaafadda ee Ra’iisal-wasaaraha Tuunisiya oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP oo Wargayska Jamhuuriya soo xigtay.
Weerarkii u dambeeyey ee ka dhacay dalka Tuunisiya waxa lagu dilay dad badan oo dalxiisayaal ajnabi ah, kuwaasoo isugu jiray 30 qof oo u dhashay Ingiriiska, 3 dalxiise oo ka soo jeeday Ireland, laba muwaaddin u dhashay waddanka Jarmalka, hal qof oo u dhashay dalka Belgium, qof ka soo jeeday dalka Portugal (Boortaqiiska) iyo muwaaddin u dhashay dalka Ruushka, iyadoo kooxda ISIS sheegtay inay ka dambayeeyeen weerarkaas.
Tunis SDN/QJ