Dalka Sucuudiga oo markii ugu horeysay Haweenka u ogolaaday inay ka qaybagalaan Ciyaaraha Olymbic-ga
London, 25, June 2012 (Qurbejoog)- Dawladda Sucuudiga oo markii ugu horeysay haweenka dalkaas u ogolaatay inay ka qayb qaataan ciyaaraha Olympi-kada caalamka oo ka dhacaya dalka Ingiriiska, iyadoo ka qayb qaadashada ciyaaraha iyo baabuur kaxaynta oo hore mamnuuc uga ahaa dalkaas ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee sidan oo kale haweenka loogu ogolaado inay ka qayb qaataan ciyaaro caalami ah.
Sida ay sheegtay Safaarada dalka Sucuudigu ay ku leedahay magaalada London ciyaaraha Olympic-kada caalamka oo bisha July 27-keeda ka bilaabmaya dalka Ingiriiska ayaa waxa ka mid ah wadamada aan hore tartankan haweenkoodu uga qayb qaadan jirin, balse sannadkan u soo diraya dalka Qatar.
Isbedeladan xilligan laga dareemayo la macaamilka haweenka dhinaca u ogolaanshaha waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha ee dawlada Sucuudiga ayaa ah siyaasad cusub oo uu haatan dejiyay Boqor Cabdalaha dalkaasi.