Dalka Kenya oo ay ka Bilaabantay Baroor diiq Sadex Cisho ah oo la Xidhiidha Dhacdadii Westgate Moll
Nairobi 25.Sep 2013 (SDN)- Guud ahaan dalka Kenya waxaa ka billowday saaka, saddex maalmood oo baroor diiq ah si loogu tacsiyeeyo, loona muujiyo in laga xun yahay dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay xarunta Westgate ee magaalada Nairobi.
Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay goobo loo asteeyey in lagu baroor-diiqda lagu dhigo, iyadoo ay dhanka kale ka barbar socota aaska inta badan dadkii ku naf weeyey weerarka.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xalay ku dhawaaqay baroor-diiqdan, isagoo shaaciyey madaxweynuhu in uu soo afjarmay howlgalkii Westgate.
Uhuru ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen 62 qof, lix askarta ciidamada ah, iyadoo la dilay shan kamid ahaa dableydii weerarka soo qaadday, waxaana gacanta lagu dhigay 11 kale.
Weerarka oo qaatay muddo afar cisho ah waxaa sheegatay maleeshiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com