Dalka Jabuuti oo ogolaaday in Passport-ka Somaliland lagu galo
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa manta soo saaray wareegto uu Laamaha Socdaalka Dalkiisa ku Amrayo inay Fiiseeyaan Passport Somaliland-ka
si dalkiisa loogu soo geli karo
Warkan oo uu Waaheen ka helay Saraakiil dhinaca Xukuumadda Somaliland ah ayaa shaaca ka qaadaya in uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle aqbalay in dalkiisu Fiisaynayo Passport Somaliland ka oo aan dalkiisu awal hore aqoonsanayn.
Aqbalaada Dalka Jabuuti ayaa ka danbaysay wadahadalo uu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland shalay kula yeeshay Qasrigiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, kaasoo sheegay markii uu ka soo baxay in ay isla qaateen safaarado labada dal in ay isweydaarsadaan.
Xidhiidhkan Dublamaasi ee labada Dawladood isla qaateen ayaa in muddo ah soo jiitamatayay iyagoo labada dal midba gaarkiisa u sheegi jiray ama mararka qaarkoodba si wadajir ah u sheegi jiray inay wadagaleen Heshiisyo khuseeya dhinacyada Ganacsiga, Amaanka iyo Dublamaasiyada
Hase yeeshee safarka uu imka dalkaasi ku joogo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu dheer yahay dhinaca Mashaariicda oo ay shalay ku wadahadleen isaga iyo Madaxweyne Geelle.
Arrintan ayaa wax badan ka tari doonto isu socodka labada bulsho ee labada iyo ganacsigaba.
SDN, Jabuuti
waaheen