“Dalka anaga ayaa leh Beesha Caalamka waxba nagama qaadi karto, Suxufiyiinta way sii xirnaan doonaan.” Madaxweyne Xasan Sheekh
Muqdisho 16.Sep 2014 (SDN/QJ)- Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya, ayaa wuxuu ka hadlay Suxufiyiinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho iyo inay si adag ula macaamili doonto Dowladdiisa.
Madaxweynaha oo xalay Madaxtooyada Magaalada Muqdisho ku qaabilay qaar ka mid ah Madaxda Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu si xoogan uu ugu weeraray Suxufiyiinta, iyadoo uu ku goodiyay in ay jiri doonaan ciqaabo adag oo ay wajahaan Suxufiyiintu.
Madaxweynaha wuxuu soo hadalqaaday inaanay waxba ka qusayn cadaadiska kaga imaanaay Beesha Caalamka, ee ah inaan la caburin Saxaafada, iyadoo uu carabka ku adkeeyay inay xirnaan doonaan ilaa afar Suxufi, oo iminkan ku xiran Magaalada Muqdisho.
“Dalka anaga ayaa leh Beesha Caalamka waxba nagama qaadi karto, Suxufiyiinta way sii xirnaan doonaan.” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya.
“Haddii ay ugu badato marka aan dibadda tagno, ayaa su’aalo nalaga weydiin doonaa Suxufiyiintaan xiran, ee ma dhici doonto cid kale oo nagu khasbi karta inaan fasaxno.” ayuu yiri Madaxweynaha.
“Suxufiyiinta waxay sameeyeen khalad weyn, waxay qalqal geliyeen ammaanka dalka, wixii la doono hala sheeg sheego, Dowladda ma sii deyneyso.” ayuu sii raaciyay hogaamiyaha dalka.
Muqdisho SDN/QJ