|

Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti oo Gargaar Gaadhsiiyay Maamul Goboleedka Punt land ee Duufaanadu Halakeeyeen

Garowe 15.Nov 2013 (SDN)-Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ayaa maanta  waxa soo gaaray laba diyaaradood ii gurmad daawo iyo cunto iskugu jira u wada dadka dhibaateysan Puntland ka dib dufaantii dhacday.

Madaxweyne Cabdiraxman Farole, xubno ka mida wasiiradda iyo gudiga loo magacaabay gurmadka dadka tabaaleysan ayaa Garoonka ku soo dhoweeyay xubnaha waday taakuladda, sidoo kale waxa joogay Qunsulka Ethiopia ee Puntland Asmalash.

Puntland waxay sheegtay in ka badan 500 oo qoys inay ku cayroobeen dufaantii dhacday iyo roobabkii watay barafka.

Madaxweyne Farole waxa uu u mahadceliyay dowladda Ethiopia iyo Jabuuti sida ay ugu soo gurmadeen deriskooda dhibataadu haleeshay, waxana ay gacana ka gaysan doonaan qiimaynta garoonka iyo weliba halkii buundadu ka jabtay.

Dr.Farole waxa uu sheegay inay wali sugayaan gurmad kale oo beesha caalamka ka imaanaysa,wuxuna tilmaamay dowlada Puntland inay ka go’an tahay sidii gurmadka loo gaarsiin lahaa dadka dhibaataysan ee u baahan in la caawiyo.

Anthony Michel oo ka socday dowladda Jabuuti ayaa Puntland uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay musibadan isagoo sidoo kale xusay inay diyaar u yihiin markasta tageero la garab taaganyihiin.

Qunsulka Itoobiya ee Puntland oo dhankiisa hadlayay ayaa sheegay dowlada Itoobiya inay dhankeeda ka qayb galayso gurmadka loogu jiro dadka tabaalaysan,wuxuna sheegay bari inay soo gaarsiin doonan diyaarad kale oo gurmad sida,saddex Injineer oo Itoobiya ka socday ayaa la sheegay inay qiimayn kusoo samayn doonan wadadii go’day.

Gurmadkan Puntland maanta lasoo gaarsiiyay ayaa iskugu jirta Raashin iyo dawooyin caafimaad,waxana sidoo kale la sugayaa mucaawunooyin kale oo aduun.waynaha ka imaanaya.
9_24 1_32 4_29 6_30 8_23 9_24 10_23 12_18 13_14 14_15 16_10 17_11 18_6 19_5 20_5 22_4 23_1 24_3

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed