|

Daladii Mucaaridka Jabuuti oo burburtay ka dib kolkii ay la jaanqaadi weyday Qarnigan

Jabuuti Jan 05,2012(qurbejoog.com)-Daladii Mucaaridka Jabuuti ee la asaasay sanadii 2003dii DSU (Union for Democratic Change) ayaa lagu kala dhaqaaqay shalay ka dib kolkii lagu guuldareysatay in la waafejiyo hanaanka Dimuqraadiyada.

Kulan shalay ay isugu yimaadeen dhinacyada ku bahoobay dalada mucaaridka Jabuuti DSU (Union for Democratic Change) oo ka dhacay caasimada Jabuuti ayaa lagu soo bandhigay dhawr qodob oo dardar gelin lahaa hanaan isbedel doonka abuuti.

Waxase dhacday in Hogaanka axsaabta mucaaridka oo u badan Siyaasiyiin 50kii sano ee u danbeeyay xil doon ahaa ay is hortaagaan hanaankan casriga ah.

Taa ayaana keentay in xisbiga Mucaaridka Jabuuti ugu weyn uu isaga baxo Dalada mucaaridka ee DSU (Union for Democratic Change).

Dastuurka dalada ayaa waxa ku xusan in habka loo soo xulayo hogaanka dalka in lagu saleeyo nidaamka beelaha.

Dhalinta dalka Jabuuti wax u baratay ee iminka ka midka ah xoogaga mucaaridka ayaa qaba in dhaqankaasi yahay ka dalka dib u dhigay.

Halkan ka akhriso Qoraal u usoo saaray xisbiga mucaaridka ee ARD oo arintan ku saabsan.

Comments are closed