Dalada Sonyo oo Laba Gudoomiye Maanta ku kala doortay Caasimada Hargaysa iyo Doorka Faragelinta Xukuumada DAAWO
Hargaysa 30.Dec 2014 (SDN/QJ)- Dallada ururrada dhalinyarada somaliland ee Sonyo ayaa doortay Guddoomiyaha cusub ee Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO,waxaana cod gacan taag ku doortay 74 Xubnood oo ka mida Ergooyinkii ka kala yimid gobollada dalka oo dhan.
Waxa codaynaayey 124 Xubnood oo Ergooyin ah oo kala yimid gobollada dalka dhammaantood, waxa halkan fadhiya 74 Xubnood oo si aqlabiyada u doortay Guddoomiyaha Dallada SONYO Cabdicasiis Xirsi Warsame, horrena u doortay. Waxa halkan taagan 14-ka Xubnood ee Golaha Sarre ee SONYO oo ka kala socda Gobollada Maroodi-jeex, Togdheer, SOOL, Sanaag, waxa halkan ka maqan Gobollada Saaxil iyo Awdal, waxaanan sugaynaa afarta xubnood ee ka dhiman inay u soo magacowdaan.
Waxa isaguna khudbadii gunaanadka ahayd madashaas ku soo xidhay Guddoomiyaha cusub ee Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Cabdicasiis Xirsi Warsame, waxaanu u mahad-celiyey dhammaan-ba ergooyinka Madasha fadhiya. Sidoo kalena, waxa uu ugu baaqay Xubnaha shirka ka maqan inay tanaasul muujiyaan, isla markaana ay ixtirraammaan aqlabiyada ay saaxiibadood ku doorteen Hogaanka cusub, waxaanu yidhi “Waxaan u mahad-celinayaa dhammaan ergooyinka ka soo qayb-galay Shirweynaha 7aad ee Dallada SONYO, waxay u dhabar adaygeen wakhti adag, waxay u dhabar adaygeen Caddaadis badan oo la saaray, waxay diideen Dano kasta, Lacag kasta iyo af-duub kasta oo loola tagay waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihiin midnimada aad muujiseen. Waxaan u mahad-naqayaa Ergooyinka halkan fadhiya iyo guud ahaan daneeyayaasha Dallada SONYO.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdicasiis Xirsi Warsame.
Waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi “Waxaad la socotaan in Maalintii Shirweynaha 7aad ee SONYO uu hotel Ambassador uu ka furmay Hargaysa waxa dhacay khaladaad badan, inkastoo aanu xagayaga aanu muujinay tanaasul badan, waxa dhacday in markii la ogaaday inaan aqlabiyada haysano shirkiii laga dareeray oo la diiday Guushii,markaa waxaanu dooranay Boodhkii, balse waxaanu dib u dhiganay Guddoomiyihii oo aanu is nidhi Xukuumaddu bal Xal laga gaadho. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu waxa uu waddaa inuu Dhalinyaradii ku kala jabiyo Qabyaallad, maantanna waxa halkan lagu doortay Hoggaankii Dallada SONYO, waxaan ka shaqayn doonnaa Midnimada Dhalinyarada reer Somaliland, waxaan ka shaqayn doonnaa sidii SONYO loo badbaadin lahaa hal ku dhigga aynu qaadanaynaa SAVE SONYO
Dhinaca kale Garab ka mid ah Daladda Sonyo ayaa Xarunta daladaasi ku doortay Gudoomiye Cusub iyadoo Ciidamada RRU ay ku Meersanaayeen Dhismaha Xaruntaas.