Dalada Mucaaridka Puntland oo jedwel doorasho soo bandhigay
Garoowe November 14, 2023 (QJ) -Dallada mucaaradka Puntland ayaa maanta soo saartay jadwal cusub oo doorashada lagu muransan yahay ee baarlamaanka, madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee Puntland.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dallada mucaaradka Puntland, doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka ayaa loo qorsheeyay in la qabto 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2024-ka.
Jadwalka la soo saaray ayaa sidoo kale tilmaamaya in marka la gaaro 31-ka bishan December la soo dhameystiri doono liiska xildhibaanada cusub, iyadoo diiwaan gelinta musharaxiinta cusub ay bilaabaneyso 5-ta bisha December.
1-da Janaayo ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada la dhaariyo, waxaana 4-ta bisha Janaayo la qaban doonaa doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, sida ku cad Jadwalka doorashada ee mucaaradku ay maanta soo saareen.
Jadwalka doorashada ee mucaaridku waxa uu jawaab u yahay jadwalkii guddiga doorashada Puntland ee lagu sheegay in doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka Puntland ay dhacayso 25-ka bisha Febraayo 2024.
Arrintan ayaa sii kordhinaysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Garoowe ee ka dhalatay muranka ku saabsan hannaanka doorashada.