|

Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN oo xukuumada ugu baaqay in Shabaabka meel looga soo wada jeesto

Jabuuti June 12,2014(SDN/QJ)-Dalada mucaaridka Jabuuti ee USN ayaa baaq u jeediyay shacabka iyo xukuumada Jabuuti si meel looga soo wada jeesto khataraha iyo caga jugleynta kooxda Al Shabaab.

Dalada Mucaaridka Jabuuti ayaa xukuumada Jamhuuriyada Jabuuti uGu baaqday in ay si dhakhsa ah loo soo afmeero khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira si Shabaabka meel looga soo wada jeesto.

Kooxda Al Shabaab oo sheegtay qaraxii dhawaanta ka dhacay dalka Jabuuti ee labada ruux ku dhimatay ayaa marar badan hanjebaadyo weerar Jabuuti u jeediyay.

Dalada USN ayaa ah mid ay ku bahoobeen dhamaan axsaabta siyaasadeed ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ka Jira,waxaana ay tiroba dhawr jeer xukuumada Jabuuti la galeen wadahadlo xal looga gaarayo ismaan dhaafka siyaasadeed ee dalkaasi.

Balse Xukuumada Madaxweyne Geelle oo aan daacad ka aheyn wadahadalada iyo mucaaridka oo aan meel u wada wedin siyaasada ayaa sababay in wadahadaladu ay ilaa iyo haaatan miro dhalin.

SDN/QJ-Jabuuti

contact@qurbejoog.com

Comments are closed