Dalada Mucaaridka ayaa ka soo horjeestay Jedwelka Doorashooyinka
Garoowe October 24, 2023 (QJ) -Maanta waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland shir ku yeeshay dallada mucaaradka ah ee Puntland, kaas oo ay kaga hadleen muddo kordhinta madaxweynaha iyo jadwalka doorashada ee ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada Puntland.
Warsaxaafadeedkooda ayay xisbiga mucaaradka Puntland ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin in guddiga doorashada oo markii hore uu si sharci darro ah u dhisay madaxweyne Siciid Deni ay soo bandhigaan jadwal doorasho oo khaldan.
Waxa ay sidoo kale tilmaameen in PEC ay iska indho tirtay dadaaladii ay wadeen Odayaasha Dhaqanka Puntland, kuwaasi oo kulamo ku leh Garoowe, si ay u dhex dhexaadiyaan, xalna ugu helaan khilaafka doorashada.
PEC ayaa shalay ku dhawaaqday in maamul goboleedka ay qabanayso doorashadii ugu horeysay ee madaxweyne iyo hal cod ah 24-ka Feberaayo 2024, taas oo mucaaridku aanay ku heshiin.
Ugu dambeyn, xisbiga mucaaradka ah ee Puntland ayaa shacabka Puntland iyo beesha caalamka u ballan-qaaday in wixii amni-darro ah ee ka dhasha muddo-kordhinta madaxweyne Siciid Deni ay isaga mas’uul ka tahay, ayna sii wadi doonaan inay Puntland ku dhacdo doorasho xalaal ah oo ku dhacda waqtigeeda.