|

Dalada Bulshada Rayidka ee Puntland oo madaxweyne Faroole ku eedeysay in uu faragelyay wadahadalada Jubaland iyo dawlada Soomaaliya

Garoowe Aug 28,2013(SDN)-Afhayeenka dalada ururada bulshada rayidka ee Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland in uu farogelin ku hayo wadahadalada Adis Ababa uga socda dawlada Soomaaliya iyo maamulka dhawaanta looga dhawaaqay Kismaayo ee Jubaland.

Maamul-Goboleedka Puntland ayaa horaantii Bishan xiriirka u jaray dawlada dhexe ee Soomalaiya oo uu ku eedeeyay in ay ka jebisay Dastuurkii dalka.

Afhayeenka Dalada ururada Bulshada ee Puntland Daahir Cumar ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole uu ku qanciyay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe in aanu heshiis la sexeexan dawlada Soomaaliya.

Afhayeenka Dalada ururada Bulshada Puntland ayaa sidaa u sheegay Iddaacada Dalsan ee laga dhegeysto degaanada Puntland.

Wadahadalada Dawlada Soomaaliya iyo Jubaland ee ka socda Adis Abab ayaa mudo haatan dhawr maamood ah la isku mari la’ayahay sharciyeynta maamulka Jubaland.

Maamul-goboleedka Puntland ayaa hore ula saftay dhismaha maamulka Jubaland ee doodaha badani ka taagan yihiin jiritaankiisa.

SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed